“…Maaha Inuu  KULMIYE U Qaato Inay Talada Keligood Leeyihiin,  Waar Waxa La Isku Hayo & Wixii Qornaa Waynu  Garanaynaaa, Laakiin Go’aankaasi….”- Sh. Aadan-siiro

0
29

Sheekh Aaden-Siiro Oo Khudbadii Jimcaha Ee Maanta Kaga Hadlay Xallinta Khilaafaadka Isagoo Talooyinna U Jeediyey Guddida Guurtida Ee Dhex-dhexaadinaysa Garabyada Xisbiga  

Hargeysa (Hubaal)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Reer Somaliland, ayaa talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey Guurtida Gacanta ku Haysa Khilaafka xisbiga Kulmiye iyo waliba Shacabka reer Somaliland ee arrintan sida dhaw ula socda.

 Sheekh aadan xaaji Maxamuud waxa uu sheegay in marka la eego xaaladda maanta lagu jiro iyo is qabqabsiga la jecel yahay  in qof waliba cid garabka saaro si arrintiisu u noqota mid hana qaadda oo socota.

“Waxan tilmaami doonaa inaan sheego oo la taliyo nimankaa maanta wixii dalku lahaayeen isku Haysta, Maanta waxa la jecel yahay inaad tilmaanto oo aad dhinac raacdo oo aad qandaraasyada socda dhinac ka fuusho, waxa la jecel yahay wixii la qaybsanayo inaad qaybtaada ka qaadato oo aad Boobka dhinnaca ka noqoto, Taasaanad Maanta wax ku noqonaysaa, Haddii kale qof aan meelna ka tirsanayn baad Noqonaysaa.” Ayuu yidhi sheikh aadan siiro.

 Waxa uu sheekhu farta ku fiiqay in waxa maanta la isku haystaa ay yihiin Hanti umadeed iyo waliba masiirkii muddada dheer tacabka loo soo galay, waxana uu guurtida u soo jeediyey inaanay cidna garabka saarin awoodii uu doono  ha lahaadee, waxana uu yidhi, “Inta nin Xaydan Waad Yaabaysaa Imika, KhIlaafkan umaddaa leh taladii umadaana la isku Haystaa, qaddiyaduna Hebel, Xisbi iyo Reero midna ma taagna, Nimankaa  is xilqaamay ee Guurtida ah waa ku ixtiraamaynaa waana shaqadoodii   laakiin waxanu leenahay waar ka caddaalad fala oo cidna ha u eexanina Magacuu doono iyo Taytalkuu Doono ha sitee qofkii qaldan waa in la joojiyaa si umadda loo Baqdbaadiyo.”

 Sheekh aadan Xaaji Maxamuud waxa uu sheegay in marka la eego tirade dadka shacabka reer Somaliland aanay wax badan ka ahayn tirade kooban ee Hoggaanka xukuumadda iyo xisbiga kulmiye ee u haysta inay arrinta iyagu iska leeyihiin oo aanay dhaafsiisnayn,

 “afar million  oo Somaliland ah baa dalkan iyo dadkan wada Wada leh, intan xukuumadda ka mid ah ee Konton ka qof ahi muxuu umadda ka yahay waa shakhsiyaad, markaa Halgankii umadda loo eegona Boqolkiiba kama aha, markaa ma aha inay xisbiga kulmiye u qaataan inay talada kaligood leeyihiine waa in la tixgeliyo  dadku waxa ay doonayaan.” Ayuu yidhi sheikh aadan.

 Waxa uu sheegay in waxa la isku hayo haddii xallintooda daacad laga noqdo oo inay dhamaadaan la doonayo aanay ahayn wax sidaa u  sii culus, isla-markaana muddo kooban lagu dhamayn karo, maadaama gacanta lagu hayo wixii la kala qortay,

 “Guurtida waxanu leenahay oo talada aanu siinaysaa waxa ay tahay waar caddaaladda ogaada, waar waa la garanayaa wax a la isku hayo, waxa la isku hayaana waa wax fudud  saacadna may qaadateen Haddii naloo dhiibo, waayo wixii qornaa waynu  garanaynaaa, laakiin go’aankaasi waxa uu ku xidhan yahay inaad marka hore dalkan ku xidhan tahay ooo aanad qabiil, qof, xisbi iyo shakhsi midna u danaynayn”ayuu yidhi sheikh aadan siiro.

Sheekh Aadan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here