Maalgashiyada ay shirkadaha aduunku maalgashadaan wadan kale oo ka baxsan ka ay ka dhisantahay shirkadu waxa sabab u ah astaamo ay kamid yihiin in wadanku nabadi kajirto , iyo weliba hanaanka dimuqraadiyada ee ka hanaqaaday.
Ku dhawaad toban shirkadood ayaa u tartamaya ama danaynaya in ay maalgashaadan dekeda berbera isla maarkana doonaya in ay ka dhigaan dekad lamid ah dekadaha aduunka
Maalgashigan oo inta badan laga yaabo in ay aanay dadku fahamsanayn faaiidada ay leedahay dhaqaale ahaan ayaa ah wax u baahan in faahfaahin dheeraad ah laga siiyo dadka ay ka aan wix fikir ah ka haysan
Ugu horeyn micnaha maalgashi waxa weeye in dib u habayn casriyeysan lagu sameeyo goob hore uga duwanaan jirtey goobtaas hada la maalgaliyey .
Maalgashiguna sidiisaba laguma khasaaro , maalgashiga dekada berbera waxay iftiin iyo nal ifaya u noqon doontaa kor u kaca dhaqaalaha Somaliland guud ahaan aniga oo rajaynaya in la dareemi doono durbada faaiidadaas hadii ay maalgashadaan shirkadahaas caalamiga ahi.
Tusaale ahaan hadii 500 qof ay ka shaqayn jireen dekada berbera waxa laga yaabaa in 1000 qof ka shaqeeyaan iyada oo ay sabab utahay baaxada dekada oo la balaadhiyo hadii ay dekada baaxadeedu badatana waxa lagama maarmaan ah in la qorto shaqaale dheeri
Waxa kale oo iyana meesha aan ka maqnayn oo ah faaiidooyinka ugu waaweyn ee ka iman karta hadii shirkado caalami ah maalgashadaan dekada berbera in loo casriyeeyo sida kuwa dekadaha aduunka oo kale isla markaana u sahlaysa in maraakiib iyo doonyo ka tiro badan kuwa hada kusoo xidha dekada ay kusoo xidhan doonaan isla markaana uu sare u kaco kobaciii dhaqaale
Waxa kale oo iyana aan meesha ka maqanayn In wadamada jaarku sida wadanka ethopia oo kale uu kala soo degi karo alaabtiisa maadaama oo aanu lahayn dekad u sahlaysa inuu wax lasoo dego
Faaiidooyinka kale ee ay leedahay maalgashi caalami ah waxa kamid ah
In dekada marka loo nashqadeeyo qaab heer caalami ah oo habeen iyo maalinba shaqaysa ay laban-laabmi doonto dhaqaalahii wadanka madaama oo markii hore la shaqayn jirey hal wakhti laakin imika la shaqayn doono laba wakhti.
Hadaba madaama oo maqaal ama wax lamid ah aan lagu soo koobi karayn faaiidooyinka ugu jira qarankani maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo dekada berbera , waxaa aan dhiiri galinayaa isla markaana xukuumada talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay mudane : axmed maxamed maxamuud siilaanyo go,aankan ku dayashada mudan ee ay u horseedayaan in dalkoodu noqdo mid barwaaqaysan ,
Tani waxay astaan u tahay dedaalada ay xukuumadu ugu jirto kor uqaadida dhaqaalaha dalkan Somaliland iyo weliba sidii loogu noolaan lahaa nolol barwaaqo ah oo qof walba uu ku noolaado farxad iyo rayn rayn.
Wq\ Hassan ahmed
xasan10001@gmail.com