“Maalin La Is Amaahinmaayo, Been Baa La Bartay Oo Dastuurka Ayeynu Meel Kaga Dhacaynaa, Haddaad Doorasho Qaban Kariwayday Waxa Kale Ee Aannu Kugu Aaminaa Waa Maxay?

0
40

Hargeysa (Hubaal)- Mujaahid Ibraahim Xuseen (Dhegoweyne), ayaa ku eedeeyey xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE inay ku fashilmeen xilkii ummaddu u dooratay, maadaama ay qabankariwaayeen doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Wakiillada ee hore ugu muddaysnaa 26-ka bisha June ee sannadkan 2015.

Mujaahid-DhagaweyneIbraahim Dhegoweyne waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu xilka ku wareejiyo shacabka kadib marka uu dhammaado waqtigii muddo-xilkeedkiisa ee la doortay, isla markaana aan la aqbali doonin wax muddo-kordhin ah loo sameeyo.

“Waxaan leeyahay Axmed Maxamed Siilaanyo 26-ka June wixii ummaddu idiin dhiibatay ku soo celiya, maalin lagu darimaayo, waa la isku kordhinayaa, dhegahaan furaysanayaa, waxaan doonaan yeelayaa, haddaad dhegaha furaysato sow dhegaha la furaysanmaayo, haddaad kibir samayso waa lagu joojinayaa oo cid aad ku xukumaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Muj. Ibraahim Dhegoweyne oo ka hadlayey madal madaxdhaqameed iyo xubno ka mid ah beesha uu ka soo jeedo dhalasho ahaan ku soo bandhigeen mowqifkooda xilligan ee xaaladda dalka.

Waxa kaloo uu u soo jeediyey madaxda xukuumadda talada haysa in ay gole kula garnaqsadaan shacabka oo haddii laga gar helo ay xilkii loo dhiibtay dib ugu celiyaan, waxaannu yidhi, “Waa dhab waad ku fashilanteen oo waqtigiinnii waad ka soo bixiwaydeen wixii la idiin igmaday, idin caayimayno oo waxba idin odhanmayno ee gole ayaanu idin keenaynaaye kaga garnaqsada wixii ummaddu idinku dulmiday, haddii ummaddu idinka gar heshana waxeedii halkaa iska dhiga.”

“Maalin la is amaahinmaayo, been baa la bartay oo dastuurka ayeynu meel kaga dhacaynaa, haddaad doorasho qaban kariwayday waxa kale ee aannu kugu aaminaa waa maxay? Tii u dambaysay ee dawladaha hoose ayeynu ogayn, doorasho dambena la idinku aaminimaayo, cid dambe oo aad xil u haynaysaana ma jirto ee dalka ha gelinina khilaaf siyaasadeed oo aan cidhib lahayn,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Muj. Ibraahim Dhegoweyne.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here