Maalinta Aabaha Oo Laga Xusay Dalka Maraykanka

0
36

Washington:(Hubaal)-Maalintii shalay oo Axad ahayd, taariikduna ahayd 21,6,2015-ka, ayaa waddanka Maraykanka looga yaqaannaa Maalinta Aabaha, waxana lagu qabtay Munaasibado lagu weynaynayey Kaalinta Aabuhu Bulshada kaga jiro.  Inkastoo aanay ku jirin maalmaha Fasaxa shaqooyinka Federaliga ah, ayaa hadana maalintan la xusaa sanad walba Axadda saddexaad ee bisha June.  Fathers-Day-2015-USA-2-580x326Qoysaska ayaa caadiyamba u xafladeeya maalintan iyagoo inta kale ee qoyska ay aabaha u kaxeeyaan casho sharaf, oo ay gudoonsiiyaan hadiyado  iyo waxyaabo kale oo qaali ah.  Maalintan ayaa dhinaca kale faa’iido u leh baayac mushtarka Mareykanka, maadaama laga iibsado malaayiin alaabo ah oo Hadyado ahaan la isku guddoonsiiyo.  Dhaqaaleyahanada ayaa sheegaya in dadka Mareykanka ay ku qarash gareeyaan hadiyadaha maalinta aabaha sanad walba lacag gaadheysa hal bilyan oo dollar.  Maalintan ayaa la bilaabay in la xuso 5-tii Bishii July sanadkii 1908dii, waxayna ka bilaabatay xaflad lagu xusayay 362-rag ah oo ku dhintay godad ay macdan ka qodayeen gobolka West Virginia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here