By Abdikadir Mohamed Ibrahim.
Maxaad ka taqaan maalinta Jaceylka Aduunka? (Waa sidey u yaqaanan dadka reer Galbeedku) Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 February oo ku beegan Maalinta Arbacada bari ah ay dad Muslimiin ahay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Romankii hore
Hadaba waa maxay valentine’s Day
Day Marka ay dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentin’es waxaad markiiba dareemaysaa in magacaani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka.Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay, hadane loo xusaa ilaa maantay, oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jacel lagu sheegaa, xafladana ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?.Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaam) ayaa waxaa jiray Boqor la odhan jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan is guursan karin, kuwaas oo ahaa Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa. Balsa nasiib darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkaan ay geeridiisii u dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta waa Valentine. Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in loo geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.
Sida ay sheegaan dadka taariiqda Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday gabadh dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabadh uu dhalay Ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga Valentine. Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadas oo ciwaan kaga dhigay”Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 497-A.D. Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel, jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay. Dad kale ayaa waxey qabaan in ee ku bilaabatay maalintaas si kale oo ah Valentine in uu isku dayi jiray dadka karishtaanka ah ee Romanka xabsiyadooda ku xiran in uu caawiyo si ay oga baxsadaan xabsiyadaas oo lagu jirdili jiray, waxaana la ogaaday in uu dadka si qarsoodi ah u sii deyn jiray sidaas ayaana lagu soo xiray, inta kadib Valentine waxaa soo booqan jireen dad badan, dadkaas soo booqan jiray ayuu ka jeclaaday gabadh aad u qurux badan, Valentine waxaa lagu xukumay dil toogasho ah markaas ayuu u qoray gabadha uu jeclaa warqad jaceel ah, warqaddaas uuna ku saxiixay Valentine kaaga , kadib waxuu codsaday in loo geeyo gabadha waana loo geeyay isla maalintaas ayaana la dilay, maalintaas waxaa la sheegaa in ey ku beegneed 14ka Febaruary sidaas ayee ku timid ayaa la yidhaah in loo dabaal dego maalintaan,inkastoo ee isku badashay maalintaan maalin ee dadka isjecel iskugu sharaxaan jaceelkooda, ayagoo isku keenaya ubaxyo aad u qurux badan oo casaan ah, halka kuwa kala fogna ee isku diraan kaarar aad losoo qurxiyay oo lagu soo qoray erayo aad umacaan badan.
Oo hadii maalinkaas qof ayaga ka mid ah iloowo loo micneeyaa inuusan jaceyl heeynin oo sheeganaayay inkastoo doodo badan ka taagan tahay maalintan hadana waxaan laysku qilaafsaneyn in ninkan la xusayo uu ahaa Baadari ka tirsan madhabta katooliga .
Hadaba Diinta Islaamka iyo xusaska ceynkan ah ?
Nebiga SCW ma qirin caadooyinka gaalada iyo wixii la caabudi jiray xilligii jaahiliyada. Anas RC waxaa laga weriyay in Nebiga uu yimid magaalaMadiina oo ay dadku leeyihiin 2 maalmood oo ay ciyaaraan. Wuxuu yiri maxay yihiin maalmahaan? Dadkii waxay ugu jawaabeen: waa maalmo aan ciyaari jirnay xilligii jaahiliyadda.
Nebiga SCW wuxuu yidhi: Allaah wuxuu idinkugu beddelay 2 maalmood oo ka kheyr badan oo kala ah labada ciidood ee cidul fidri iyo cudul udxaa. Hadaba dadka maalintan u dabaal daga ha ogaadaan waxay weynaynayaan in tahay baadari qarniyo badan kahor bakhtiyay allana ka baqdaan.
By Abdikadir Mohamed Ibrahim
abdiqaadir300@hotmail.com