Maalintii labaad ee Ololaha WADDANI Iyo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Ballanqaadyo U Sameeyay Reer Awdal

0
291

Boorama(Hubaal) Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isu soo baxyo balaadhan ka sameeyay gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. jamaahiirta ku labisan calanka liimiga ah ee xisbiga iyo boodhadh ayaa isu soo baxay fagaareyaasha magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka waxaana kala qayb galay madaxda kala duwan ee xisbiga Waddani. Taageerayaasha jibaysan ee cuddudooda muujinayay ayay madaxdu u jeediyeen khudbado ku saabsan qorshaha horumarineed ee xisbiga Waddani iyo dhibaatooyinka xukumadda Kulmiye dalka dhaxalsiisay.

Hargeysa

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale ayaa kumanaan taageerayaasha Waddani ah kala qayb galay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa oo ay ku dabaal dageen.

Burco

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna magaalada Burco kaga qayb galay damaashaadka kumanaan taageerayaal ah oo la dhacsan xisbiga Waddani.

Berbera

Masuuliyiin kale iyo xildhibaano kala qayb galeen isu soo baxa taageerayaasha Waddani ee Ceerigaabo iyo Berbera.

Boorama

Musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo musharraxa madaxweyne xigeenka Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa magaalada Boorama kaga qayb galay isu soo bax balaadhan oo ka dhacay fagaaraha Khayridda Boorama. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa ayaa u qushuucay kumanaanka taageere ee camiray khayriyadda Boorama iyo hareeraheeda.

Musharrax xigeen Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa si dareen taabad leh ugu mahadceliyay taageerayaashiisa isugu soo baxay khayriyadda Boorama oo uu tilmaamay in ay ka turjumayso sida ay ula dhacsan yihiin isbedel lagu sameeyo talada Somaliland. Maareeyihii hore ee hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo afhayeenkii xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa madasha ka sheegay in ay Waddani ku soo biireen. Siyaasiga Baashe Cali Jaamac, wasiirkii hore ee waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, iyo masuuliyiinta heer gobol ee xisbiga Waddani ayaa ku dheeraaday sida ay reer Awdal uga jawaabeen isbedelka uu rabo xisbiga Waddani waxaanay u mahadceliyeen taageerayaasha. Qaar ka mid ah salaadiinta gobolka iyo suldaanka guud ee Somaliland ayaa bulshada ku boorriyay in ay maalinta doorashada codka la ogaadan xisbiga Waddani si isbedel loogu sameeyo talada Waddanka.

Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay bulshada reer Awdal kuna suntay ballanqaadyo iyo dhalliilaha xukumadda Kulmiye “Waxaan u mahadnaqaya shacbiga gobolka Awdal ee dareenkooda muujiyay iyaga oo aan u kala hadhin ee sida midnimada leh, maamuuska iyo milgaha leh ee muuqaalka leh aad iskugu soo baxdeen idinka oo muujinaya dareenkiina, idinka oo ka jawaabaya dareenka shacbiga Somaliland ee isbedel doonka ah. waxaan idiinka mahadnaqaya rabitaankiina oo jawaab u ah wax aad maanta doonaysaan. Waxaan u mahadnaqaya dadka soo qaban qaabiyay munaasibaddan,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here