MAALMAHA KHAMIISEED Iyo Xisbiga WADDANI Oo Markale Munaasibad Balaadhan Kusoo Dhaweeyay Siyaasiyiin Iyo Taageerayaal reer Berbera Oo Ka Soo Diga Rogtay Xisbiga KULMIYE

0
19

Xukuumadda KULMIYE oo xasaasiyad ka qaaday maalinta Khamiis-ta ee WADDANI u asteeyay taageerayaasha iyo siyaasiyiinta kusoo biiraya

Hargeysa(Hubaal):-Munaasibad balaadhan oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweynaayey Siyaasi Cali Axmed Kooshin iyo taageerayaal kale oo mug iyo miisaan culus ku lahaa xisbiga hada sii liicaya ee KULMIYE ayaa lagu qabtay xarunta xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd mid ay xoogaga taageerayaasha isbadal doonka ah ee WADDANI ay si miisaan leh u soo buux dhaafiyeen barxada hore ee lagu qabanaayey munaasibada ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),guddoomiye ku xigeenka Afaraad ee xisbiga WADDANI Md:Cabdi Raygal Beegsi, Marwo:Faadumo Siciid, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Md:Maxamed Nuur Caraale (Duur),guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamar-je),wafti aad u balaadhan oo isagu jiray hogaanka xisbiga,Siyaasi Cali Axmed Kooshin iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga rogtay xisbiga hada sii-liicaya ee KULMIYE.

 DSC04791

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Siyaasi Cali Axmed Kooshin,waxaana uu ugu horeyn uu si balaadhan ugu mahad celiyey masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee sida diiran ugu soo dhaweeyey xisbiga,isaga oo sida oo kalena halkaasi kaga sheekeeyey sababaha ku kalifay in uu ka soo diga rogto xisbiga KULMIYE,waxaana uu tibaaxay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga qudha ee dalka guud ahaanba ka dhalin kara cadaalad iyo midnimo wada jirta.

” Marka hore waxaan halkan aan aad uga salaamaya waftiga heer qaran ee uu hogaaminaayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro,taageerayaasha xisbiga WADDANI gaar ahaan taageerayaasha faraha badan ee karaamada leh,ee ila socday igala yimina xisbiga KULMIYE, waxaan idin ka raali galinayaa hudheelkii aynu Kun iyo Labada boqol ee Kursi aynu kiraysanay ee xukuumadu inaga joojisay ee ay saaxiibo badan oo ila socday ay ka cadhoodeen oo ay ku maqan yihiin oo ay ku dagaalameen oo aan diidnay oo aan idhi ma dagaalamayno imika. Aniga maanta waxaa farxad ii ah in aan ragii aanu KULMIYE wada joognay ay maanta igaga sii horeeyeen oo ay joogaan xisbiga WADDANI,markii hore Kulmiye ayaan ahaa oo waxaa naga luntay xisbi nimadii oo mugdi ayey naga gashay, waxaa ayaan darro in KULMIYE markii uu dalka qabsaday uu reerihii la so dhaafay dib noogu celiyey,waxaad ogeydeen shirweynahii xisbiga KULMIYE ee golaha dhaxe waxii ka dhacay waatii qabiilo lagu soo xulay,siciid waa iga markhaatiye anigu waxaan isu sharaxay in aan noqdo guddoomiyaha xisbiga ee guud in aan noqdo oo aan Muuse Biixi aan la tartamo, ragii kalena waa ay u tartamayeen sharcigana waxaa la yidhi siciid gudidii qaban qaabada ayaa uu ka mid ahaa, kuraasidana reero ayaa leh oo ay kooto ugu xidhan yihiin, markaa ma qabyaalada ayeynu dabada ka wadnaa waa maya jawaabtu”Ayuu yidhi Cali Axmed Kooshin.

 DSC04786

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyey Siyaasiga hada ku soo biirey,waxaana uu tibaaxay in guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro uu yahay ninka qudha ee ka nixi kara duruufaha haysta magaalada Barbera.

“Horta maanta waxaa lays lahaa taageerayaasha WADDANI bacad ayaa dili doona oo tobanka subaxnimaba waa ay carari doonaan,laakiin waa ay idin ka muuqataa in aad illaa Labada aad haddaad doontaan aad joogi kartaan, aad ayaan ugu mahad naqayaa xisbiga iyo guddoomiyaha gobalka iyo ragii hawshaas ka shaqeeyey.Barberaay dad badan ayaa igu yidhi waxaa la yidhi Cirro waxaa uu yidhi Barberi waa ay xanuun sanaysaa, deedna waxaa uu yidhi siciid ayaan dawadi u soo dhiibay dawada uu ii soo dhiibay ayaan idiin sheegayaa, waxa weeye dalka Barberi waa ay ka duwan tahay sida loo xukumo gobalada kale looma xukumo dawladan iyo dawladii ka horeysayba isku si ayaa ay u xukumayeen cadaadis ayaa lagu hayaa waa la gumeeyey shacbigeena, waxa weeye waxa aanu idiin sheegaynaa  WADDANI waa ka idin ka saaraya gunimadaas”Ayuu yidh Siciid Cilmi Rooble.

 DSC04780

Guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shegay in ay bilaaban tay wakhtigii isbed doonka,waxaana uu carabka ku dhuftay in xisbiga KULMIYE uu jaha wareeriyey umada.

“Reer Barberoow munaasibadan soo dhaweynta ah ee aynu u wada joognaa waa isbadal soo maaha,isbadalkaas waxa lagu maleegayaa oo dadkii waa ay soo dhaqaaqi laaayeene oo maalinba walba kuwa wasiirada ah ayaa aniga ila soo xidhiidha oo waa ay ku wada qanacsan yihiin in arrin la waayey bulshana haddii arrin la waayo, wuu khal khalaa, oo hada xukuumada arrin la’aan ayaa ku dhacday, waxaa loo baahan yahay in kamankan ay bulshada u garaacaan ee la yidhaahdo muddo kordhin ayaa dhacaysa, waxaan leenahay muddo kordhin ma dhacayso”Ayuu yidhi Xamarje.

 DSC04786

Marwo:Faadumo Siciid oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay tidhi:”reer Barberoow duliga waa aydin ka baxi, biyo la’aan laydin kuma daynaayo, laydh la’aan laydin kuma daynaayo, warshadiina sibidhka la fadhataysan maayo, xamaaliintiina bada laguma daraayo, kaluunkiina idinkaa la soo baxaaya oo cid kale la soo bixi mayso, reer Barberoow xaq ayaad leedihiin xaqiiniina wali maydaan helin, xaqiinii wali maydaan arkin,xaqiinii wali maydaan dhadhamin, waad ka qaawan tihiin oo waad ka qatan tihiin, xoolihiinii dakadiinii,kaluunkiinii,haamihiinii sibidhkiinii,lacagtiinii,caruurtiinii kuli sida ay u dhan yihiin waa ay wada xawilan yihiin, miyaad garanaysaan meesha ay u xawilan yihiin, waxay u xawilan tahay oo saqbadhka lagu qaada baabuur mad madow, oo wadada hargeysa loo mariyaa meel madaxtooyada la yidhaahdo”.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo isna halkaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu qalbi furan ku soo dhaweynaayo taageerayaasha ku soo biiray”Waxaan u mahad naqayaa dhamaanba taageerayaashii muga lahaa iyo masuuliyiintii u mahad naqaysay ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, waxaan leeyahay walaalayaal qalbi furan ku soo dhawaada,walaalayaal waxaa looga baahan yahay xukuumada iyo cid kale oo xil haysaba dulqaad ayaa looga baahan yahay, waxaan isleeyahay dulqaad yaraanta xukuumada iyo xisbigeeduba, waxad ogeydeen in khamiistii sii horeysay oo xisbiga WADDANI uu ku qabsanaayey xaflad, markaa waxii ka dhacday waad ogeydeen, xisbi munaasibad si nabad ah u qabsanaaya ayaa xukuumada iyo xisbigeedu waxaa ay so abaabuleen dhalinyaro ka badan Lix boqol oo qof oo basas lagu soo gurey loona soo dhiibay dhagxaan, malaha hubna waa ay siteen iyo faashash,way jajabiyeen dhamaanba gawaadhidii hudheel Crown yaalay,hudheelkiina inta ay soo galeen ayey dadkiina dhaawaceen, hudheelka waxaa joogay laba askari oo ciidanka booliska ka tirsan, labadiina markii ay hawshii bilaabmaysay waa ay ka ka xeeyeen, nabad galyada xukuumada ayaa ka masuul ah dee waa ay ladnayd oo dhagxaan ayey u soo dhiibtayba.Se Barbera maxaa ka dhacay maanta, maanta waxaa aynu xaflada ku qabsan lahayn huteelka Maansoor ee Barbera, maanta ciidan lama dhiginee waxaa la dhigey tikniko, beebeeyo ayaa la keenay, wali Kulmiye hore looguma samayn in beebeeyo lagaga horjoogsado munaasibad uu qabsanaayo laakiin KULMIYE ayaa maanta sameeyey”Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here