Inta badan bulshooyinka caalamka ee aynu kamid nahay waxay jecelyihiin ama ay xiiseeyaan inay wax ka ogaadaan habka ay u gutaan nolol maalmeedkooda caadiga ah (life style) dadka caanka ka dhex ah bulshada aduunka sida Culimada Diinta/Maadiga, Siyaasiyiinta ama Ciyaaryahanada.
Waxa aad u adkaata sidii ay bulshada oo dhami u heli lahaayeen xaqiiqada ku salaysan habka ay u gutaan nolol maalmeedkooda caadiga ah, xogtaana waxa sida saxda ah u haya dadka ka agdhow ee ku xeeran noloshooda, sida qoysaskooda, qaraabadooda, asxaabtooda ama cida ay wada shaqayn maalmeed ka dhaxayso. Waxa kale oo lagu helaa warbixino laga helo warbaahinta, intaas wixii kasoo hadhaa fikir ama sawir maskaxeed ayay ka haystaan.
Tusaale ahaan hadii qof bulshada caadiga ah kamida la waydiiyo Wasiir hebel waa nin caynkee ah? wuxuu qofkaasi kuu sheegayaa fikirka ama sawir maskaxeedka uu ka haysto wasiir hebel, waxa kale oo laga yaabaa inuu kuu sheego warar malo-awaal ah oo bulshada dhex wareega, taasina kama turjumayso xaqiiqada hab nololeedka (life style) Wasiirka.
Haddaba waxaan jeclaystay inaan maqaalkan kooban kaga waramo muuqaalka guud ee aan ka arkay Wasiirka Madaxtooyadda JSL Xirsi Cali Xaji Xasan muda 21 cisho ah oo aan ka mid ahaa shaqaale hawl ka waday Madaxtooyada, waxaanan diirada ku saari doona maqaalka sadex dhinac oo kale ah Cibaadadiisa, Shaqadiisa iyo xidhiidhka uu la leeyahay Bulshada.
Cibaadada
Adoonka iyo Alle SW xidhiidhka ka dhexeeyaa waa Salaadda, Salaaduna waa waxa koowaad ee maalinta Qiyaame adoonka laga xisaabiyo, waxaanan usoo qaatay qodobkan Salaada waxaan u arkay inay Salaadu noqoto miqiyaaska ugu horeeya ee aynu ku cabirno siyaasiga bulshada hogaankeeda raba.
Wasiir Xirsi wuxuu aad ugu xidhanyahay Misaajidka ku dhex yaala Madaxtooyada, waxaanu kamid yahay Masuuliyiinta faro ku tiriska ah ee aan aqiimka salaada laga waayin Masjidkaa.
Shaqada
Waxay bulshadeenu ka warqabtaa inay aad u kooban yihiin saacadaha ay xafiisyadooda joogaan masuuliyiin badan oo xilal kala duwan ka haya Qaranka JSL, taas oo hakad ku keentaa habsami u socodkii shaqada, waxa ay sidoo kale saamayn ku yeelataa Shaqaalaha oo firaaqo hela inay u baxaan danohooda gaarka ah, taas oo wiiqaysa adeegii bulshada.
Si aan u xaqiijiyo saacadaha shaqada ee Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan waxaan ka hor dhici jiray wakhtigayga caadiga ah ee aan bilaabi jiray hawshayda shaqo, isla markaana waxaan dib dhigi jiray xiliga aan ka baxayo shaqadasi, si aan ugu kuur galo Saacadaha Shaqada ee Wasiirka. waxaanan xaqiijiyay in xafiiskiisa laga helo inta u dhaxaysa 8:00AM subaxnimo ilaa 3:00PM galabnimo.
Maalmaha qaar waxa dhici jirtay inuu dib xafiiskiisa ugu noqdo marka Salaada Casr laga soo baxo kadib markuu cabaar ku nasto barxada Nasashada ee Madaxtooyada!
Xidiidhka Bulshada ee Wasiir Xirsi
Waxa muhiim ah inuu jiro xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya Masuuliyiinta umada xilka u haya iyo Bulshada ay xilka u hayaan, oo ay gaar ahaan Masuuliyiintu wanaajiyaan xidhiidhka u dhexeeya iyaga iyo Shacabkooda.
Sidaan kor kusoo xusay wuxuu Wasiir Xirsi shaqada ka baxaa 3:00PM galabnimo, wuxuu tagaa gurigiisa oo aan wax sidaa usii fogayn ka durugsan Madaxtooyada, inta aqiimka Salaada Casar ka hadhay oo ah 45 daqiiqo ayuu Wasiirku gurigiisa kusoo nastaa, marka Salaada la aqiimo ayuu soo noqdaa oo uu jamaca Masjidka Madaxtooyada kula tukadaa.
Marka Salaada laga soo baxo wuxuu soo fadhiistaa barxad si wanaagsan loo dhisay oo looga shaqeeyay isla markaana dhir wanaagsan lagu beeray oo loogu talogalay inay dadku ku nastaan halkaas wuxuu kula kulmaa bulshada noocyadeedada kala duwan, inkasta oo ay maalmaha qaar dhacdo inuu nasasho kadib xafiiskiisa ku noqdo.
Runtii waxa ka muuqata dabacsanaan uu u moojinayo dadkaas ay sheekaysanayaan, kamana muuqato wax waynaan iyo dheeraad uu dheeryahay bulshada ay sheekada wadaagayaan.
Gebogebadii, waxa jira Masuuliyiin badan oo ay shaqsiyadoodu ka gedisan tahay afkaarta qaldan ee bulshada dhegahooda had iyo jeer la maqashiiyo.
W/Q: Deq Abdi Mohamed (Deq Almania)
Mob. 063-4417419