Waxay Puntland ku diyaarisay Ciidan iyo Odayaal la kulma saraakiisha Ingiriiska
Laasqoray(Hubaal) warar hordhac ah oo ka soo baxaya degaanka Laasqoray ayaa sheegaya inay magaaladaasi soo gaadheen ciidamo ka socda Puntland kuwaas oo isku diyaarinaya kulan Saraakiil Ingiriis ahi Markab dushii kula yeelan doonto madaxda Puntland iyo Madax dhaqameed ka socda Goboladda Barri ee Somaliland.
Warkan ayaa sheegaya in ay magaaladda Laasqoray gaadheen Madax dhaqameed iyo odayaal uu hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan C/salaam kuwaas oo isku diyaarinaya inay magaalo xeebeeda Laas-qoray kula kulmaan saraakiil Ingiriis ah oo la sheegay inay Markab dagaal ku imanayaan xeebta Laasqoray.
Ciidamada Puntland ee Daraawiishta ayaa iyana ku sugan magaaladda Laasqoray kuwaas oo ka soo ruqaansaday Boosaaso iyo Garowe, waxaanay isku diyaarinayaan ilaalinta kulankaas amnigiisa.
Markabka Dagaal ee Dalka Ingiriiska oo la filayo in uu yahay kuwa ku sugan Xeebaha Badda Cas ayaa la filayaa in uu ka soo dhaqdhaqaaqo dhinaca xeebta Dalka Jabuuti, halkaas oo uu ka hawl-galo.
Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada wax talaabo ah ka qaadin mashruucan oo aan la garanayn ujeedadiisa rasmiga ah.
waaheen