Maamul-goboleedka Soomaaliya Ee Puntland Oo Eedayn Lagu Qoslo U Jeediyey Jamhuuriyadda Somaliland

0
10

Garoowe (Hubaal) Maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, ayaa eedayn lagu qoslo u jeediyey waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka maamul goboleedka Puntland, ayaa u soo jeediyey maamulkoodu in uu dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ku daro liiska argagixisada.

Soojeedintaas oo aan lagu darin ajandaha fadhigoodii maanta ayaa waxaa dabada ka riixayay xildhibaanno intooda badan ka soo jeeda degaannada bariga Gobolka Sanaag oo maamulka Garoowe hayb qabiil ku sheegto, kuwaas oo ku eedeeyey dawladda Somaliland inay deegaanno ka tirsan gobolkaasi ku abuurto dagaalyahannada Al-Shabaab.

Lama oga waqtiga mooshinkaas lagu dari doono ajandaha oo ay xildhibaannadu ka doodi doonaan.

Arrintan ayaa noqonaysa eedayntii ugu qosolka iyo la yaabka badnayd ee Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya u jeediyo Jamhuuriyadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here