Maamulaha Madaarka Hargeysa Oo Wasaaradda Tamarta Ku Wareejiyey Macdan Xaddigeedu Yahay 302Kg Oo Ay Gacanta Ku Dhigeen

0
25

Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa shalay dhiggeeda Macdanta iyo Tamarta ku wareejisay 302KG oo dhagaxaan macdan ah, kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen qaybaha amaanka ee madaarka Caalamiga ah e Cigaal. Dhagxaantan macdanta ah ayaa waxa shalay la wareegay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta Somaliland Eng. Ibaahim Shire Maxamed, waxana ku wareejiyey maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.macdanta iyo maamulka duulista

Munaasibad kooban oo lagu kala wareegayey Agabkaasi ayaa waxa ka hadlay Maamulaha Madaarka Cigaal Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo yidhi “Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/08/2005,-ka waxaanu 302 Kg (Sadex Boqol Iyo Laba Kiiloo Garaam) oo Macdan ah, ku wareejinayaa Wasaarada Macdanta, waxaanu qabanay mudadii labada sano ahayad ee ugu danbeeysay, 2014 ilaa 2015.”

Maamulaha Madaarka ayaa sidoo kalen intaasi ku daray “ Macdanta waxa qabtay hawl-wadeeedna Amaanka ee Madaarka Cigaal, tani waxa ay muujinaysaa in Hay’addaha Dawladu ay isku xidhan yihiin, oo Hay’add waliba shaqo gaar ah qaabilsan tahay, midi ay Duulimaadyadda qaabilsan tahay, mid ay Macdanaha qaabilsan tahay, hadana Dawlad ahaan wada shaqayanta naga dhaxaysaa, in ay tahay mid aad iyo aad u xoogan oo aanu wada shaqaynayno oo aanu nahay Tiim ama laamo Geed qudha ka wada baxay”.

“Markaa Waxaanu Jecelahay Agaasime in aanu Macadantaa, ama Dhagxaantaas iyo ciidahaas is biirsaday ee sida sharci darada ah Wadanka loogala dhoofaayey oo cadadkoodu dhan yahay 302Kg in aad nagala wareegto, Wasaaradd ahaan dee shaqadaa fiican ee aanu qabanayna aanu xidhiidhka aynu leenahay dartii aanu kuugu wareejino.” Sidaa ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Ibaahim Shire Maxamed oo Wasaaradda Duulista ku amaanay dadaalka ay samaysay waxaanu yidhi “Maanta waxaan kala wareegayaa maamulka Madaarka 302Kg (Sadex Boqol Iyo Laba Kiiiloo Garaam) oo Macadan kala duwan ah, mid Dhagax ah Iyo Mid Ciidaba, taas waxaa keenay Dadkakan inta ay iska soo qaataan Macdanta ay doonayaan inay Madaarka iyo sharciga dhaafiayaan.”

“Ninka doonaya in uu Macadan dibada u qaadoow, waxaa waajib kugu ah, in aad soo martid marka hore Wasaaradda Macdanta, oo aad ka soo qaadatid Warqada dhoofinta. Warqada dhoofinta hadii aanad sidan oo aad istidhaado halkan la mar waa lagaa qaadayaa Macdanta, Macdanta halkan lagu qabto mid dib loo celinayaa ma jirto, waayo markii hore ayey sharci darro ku soconaysay, Macadantaa Wasaaradda ayaa lagu wareejinayaa halkaas ayaa lagaga shaqynayaa, haday wanaagsanayd iyo haday xumaydba.”

Agaasimaha Macdanta ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Inta badan waxaanu doonaynaa oo aanu ka codsanaynaa Dadkaa, Dadweynaha dhoofaya in ay Macdanta ay sitaan ay soo mariyaan kadinka wanaagasan, Albaabka danbe ha ka soo galina ka hore ka soo gala, waa laydiin sii daynayaa markaa, hadii aanad Warqadaa Sidana waxa ay ku danbaynaysaa, sida taa maanta 302Kg oo Macdan ah oo Dad laga reebay, Nin loo Celinayaana ma jiro Macdantaa, Macdantaa Wasaaradda ayaa lagu wareejinaya.” Ayuu yidhi Eng. Ibaahim Shire Maxamed.

Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland waxay arrintan ugu dan leedahay inaanu shacabka ogaysiino in dadka rakaabka ah ee isku dayaya inay ka dhoofaan madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, ee sita noocyada kala duwan ee Dhagaxaanta ah ama macdanaha ah, in aanay marnaba isku dayin inay sifo sharci darro ah u soo qaataan oo la dhoofaan ama u qarsadaan, qalabka casriga ah ee madaarka ku rakiban ayaa soo saari doona, oo lama gudbi karaan, markaas sifo sharci ah nidaamka ha u soo maraan dadkaasi.” Ayuu yidhi Afhayeen Saddam Maxamed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here