Maamulka Degelka Xidhiidhka Bulshada Ee FACE BOOK Oo Xayiraad Ku Rogay 95 Bog Oo Afkaarta Al-shabaab Baahin Jirey

0
42

Hargeysa:(Hubaal)-Inkastoo ay Kooxda Al-shabaab afkaartooda ku baahineysay baraha Bulshada ee sida weyn loo isticmaalo, Facebook iyo Twetter-ka ayaa waxaa dhamaan adeegyadaasi ay Shirkaduhu ka xidheen Al-shabaab.

Shirkada ayaa go’aan kasoo saartay shaqsiyaadka taabacsan Al-shabaab ee isticmaalaya Aallada Facebook waxa ayna xidhay in kabadan 95-Bayj oo u furnaa xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo fakiradooda ku baahinaayay Aallada Facebook.

facebookSidoo kale waxaa la xidhay dhamaan Faceboog-yadii ku xidhnaa Websetdyada Kooxda Al-shabaab oo inta badan lagu sheer gareyn jiray wararka  ka dhanka ah Dawladda ay dagaalka kula jiraan ee Somalia.

Shirkadaha Al-shabaab ee Facebooga laga xidhay ayaa waxaa kamid ah Webseyd-ka Somalimemo oo inta badan baahiya qoraalo lidi ku ah Jiritaanka Dowlada Somalia, isla-markaana si weyn u taageera afkaarta kooxda Al-shabaabka.

Warbaahinta Alshabaab ayaa laftoodu ka hadlay cunuqabateynta facebook ku soo rogay, waxayna sheegeen in talaabadani ay keeni doonto in shirkada facebook ku waayaan Macaamiil ka badan 7,000 kun ruux kuwaasoo ku xidhnaa webka Somalimemo, hayeeshee taasi ayaa la aaminsan yahay inay tahay mid  aan la xaqiijin karin.

Al-shabaab ayaa aaminsan in Baraha bulshada ay ku kasban jireen Kumanaan akhristayaal ah, waxaana meesha ka baxay taageeradii ay ku heli jireen Facebook.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here