Maamulka Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Dalka Oo Ardayda Ku Sandulleeyey Lacago Sharciga Ka Baxsan, Wasaaradda Waxbarashada Oo Qayb Ka Ah Iyo Qaylo-Dhaanta Dan Yarta

0
58

Maamulka Dugsiyada Oo Bishiiba Arday Kasta  qasab kaga dhigay bixinta lacag udhaxaysa 12,000-20,000slshl iyo wasaaradda waxbarashada oo si hoose u ogolaatay qabashada lacagtaas.

 Ardaygii Bixin waaya lacagtaas bisha ah oo Dugsiyga Laga Caydhinayo iyo Qodob Tiir-dhexaad u ahaa Asbaabtii xisbiga KULMIYE talada dalka kula wareegay oo dhexda ka liicay

ardayda-dugsiga-hoose-dhexe-ee-sh-bashiir

Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa ku fashilantay inay hirgeliso mid kamid ah barnaamijyadii xisbiga KULMIYE tiir-dhexaadka u ahaa, isla-markaana sabab u ahaa inuu talada dalka ku guulaysto, kaas oo ahaa in gebi ahaanba waxbarashada dugsiyada Hoose/dhexe ay lacag la’aan ka dhigayaan.

Dhammaanba dugsiyga Hoose/dhexe dalka ku yaalla, gaar ahaan kuwooda caasimadda Hargeysa, ayaa maamulayaasha gacanta ku hayaa waxa ay ardayda wax ka barata kusoo rogeen lacago sharci-darro ah, waxana ay si badheedh ah u baalmareen qorshihii qaranku lahaa ee lacag la’aanta looga dhigay waxbarashada, iyada oo wasaaradda waxbarashuna xog ogaal u tahay lacagaha sharciga baalmarsan ee macallimiintu ka qaaddo ardayda dhegaha loogu sheegay inay bilaash wax ku baranayaan.

Maamulka Dugsiyada Hoose/dhexe, ayaa dhammaanba ardayda ku waajibiyey inay bixiyaan lacag qaddarkeedu u dhexeeyo 12,000-20,000slshl(laba iyo  toban ilaa iyo labaatan kun)oo Somaliland shilin ah inta u dhaxaysa, taas oo arday kasta laga rabo, isla markaana kii aan keenin laga caydhinayo dugsiga.

Sida xogaha aanu haynaa sheegayaan xilliyada imtixaanaadka la gelayo qaddarka lacagta ah ee ardayda laga qaadaa kor ayuu usii kacaa, waxana uu ku dhawaadaa ilaa 30,000slshl(soddon kun)oo Somaliland shilling ah, iyada oo la iska indho-tirayo ardayda danyarta ah ee aan awoodin bixinta lacagtaas, isla markaana dugsiga kusoo galay ballantii xisbiga KULMIYE ee ahayd inay waxbarashadu lacag la’aan tahay.

Waalidiin badan ayaa cabasho ka muujinaya lacagaha sii kordhaya ee lagu soo rogay ardayda u dhigata dugsiyada Hoose/dhexe, waxana ay quus ka taagan yihiin cabashooyin arrintan ka dhan ah oo ay marar badan u gudbiyeen wasaaradda waxbarashada, “Lacagta ay maamulayaasha dugsiyadu naga qaadaan way sii kordhaysaa marba marka ka dambaysa, cabashooyin badan oo aanu wasaaradda waxbarashada u gudbinayna waa nalooga jawaabi waayey, ardayda markaanu waxbarashada qoraynay waa lacag la’aan baa nalagu yidhi, laakiin lacag baa nalaga qaadaa haddii aanu bixin weyno ardayda lasoo eryayo”sidaa waxa tidhi Caasha Muuse oo ay laba arday u dhigtaan mid kamid ah dugsiyada Hoose/dhexe ee Hargeysa ku yaalla.

Wasaaradda waxbarashada, ayaa iyadu lacagta dugsiyadan lagu qaato ka warhaysa, waxana ay indhaha ka qarsanaysaa inay wax tallaabo ah ka qaaddo maamulka iyo macallimiinta dhaqankan yeeshay oo qaranka bil kasta ka qaata lacago mushaharaad ah ooh aba iska yaraadeen la doonayey inay kaga maarmaan lacagaha ay ardayda weydiinayaan.

Warar kale oo aanu helayno, ayaa sheegaya in kormeerayaasha guud iyo weliba  guddoomiyahaasha gobollada ee dhinaca waxbarashadu lacagah laga qaado ardayda  laga siiyo lacago kale oo qarsoodi ah, kuwaas oo naas-nuujin ah, isla-markaana ay maamulayaasha dugsiyadu ugu talo galeen inay iskaga leexiyeen beddelka  iyo cadaadisyada kale ee dhinacooda kaga iman kara.

Xisbiga kulmiye, ayaa dhammaadkii sanadkii 2011-kii markii uu talada qabsaday waxa uu ku dhawaaqay inay gebi ahaanba lacag la’aan ka dhigeen waxbarashada dugsiyada Hoose/dhexe ee dalka oo dhan, waxana ay taasi keentay inay si weyn ukordhaan arday la qorayo dugsiyada, iyada oo ay kor u kacday heerka waxbarasho ee da’yarta dalka oo markii meel hoose maraysay, maadaama ay jireen arday badan oo lacag la’aan waxbarashada uga maqnayd.

Lacagaha lagu soo rogay ardayda dugsiyada Hoose/dhexe ee dalka, ayaa laf-jab ku ah dedaalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro kor u qaadista waxbarashada dalka oo dad badani aaminsan yahay inay kor u kacday muddadii uu xisbigaasi xilka hayey, balse tallaabada haatan lacagta loogu soo rogay ardayda ayaa waxa kasoo baxaya werwer badan oo bulshadu qabto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here