Maamulka Maroodi-Jeex Oo Ku Baaqay In Si Hufan Loo soo Dhaweeyo Xulalka Hargeysa Ku Ciyaari Doona

0
18

Hargeysa:(Hubaal)-Maamulka Gobolka Maroodi-jeex oo ay hor kacayaan Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Jeeniyare, Ku-xigeenkiisa, Xog-hayaha Gobolka, Xildhibaanno Golaha Deegaanka ah, iyo Tababaraha Xulka Gobolka, ayaa si weyn ugu baaqay in si hufan loosoo dhaweeyo Ciyaaryahannada Hargeysa kaga qaybgeli doona Koobka Gobollada oo haatan marxaladiisii labaad galay.

Shir Jaraa’id oo ay maalintii shalay ku qabteen Xarunta Gobolka ee Magaalada Hargeysa, ayey masuuliyiintani si isku mid ah ugu baaqeen Bulshada ku dhaqan caasimadda inay si niyadsami ah ugu diyaar garoobaan dhammaaba Siddeeda xul ee dhawaan tartankoodu Hargeysa ka bilaabi doono, waxana ay xuseen in Hargeysa looga fadhiyo martigelin suuban sidii ay horeba caanka ugu ahayd.

Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax(cisman Waxar)oo kamid ah Xildhibaanada Golaha degaanka Hargeysa, isla-markaana Xubin ka ahaa Guddidii Xulka Gobolka M/jeex u raacay dhinaca Gobolka Awdal oo ugu horrayn halkaasi ka Hadlay, ayaa si weyn u ammaanay Shacabka Reer Awdal, waxana uu xusay inaanay jirin wax dhibaato ah oo u dhaxaysa Ciyaar yahannada Gobolladaas kasooo kala jeedda, “Waxan si weyn ugu mahad naqayaa Shacabka ku dhaqan Magaalada Borama, gaar ahaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Borama oo si weyn noogu soo dhaweeyey Halkaas, kuwaas oo noo muujiyey inaanu joogno gurigayagii. Maanta Reer Marti baa loo yahay, waxana looga Baahan yahay inay si isku mid ah usoo dhaweeyaan Xulalka Gobollada siddeeda ah eek u loollami doona.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cismaan Waxar.

maamulka maroodijeex

Xildhibaan Mubaarik Cabdi-malow oo isaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa baaq u diray Taageerayaasha Gobolka M/jeex iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa-ba, waxana uu ku baraarujiyey inay si gobonimo leh ugu midoobaan soo dhaweynta Xulalka imanaya, isla-markaana ay xanafta iyo xamaasadda ka ilaaliyaan ciyaaraha ka furmi doona Garoonka Hargeysa Stadium.

Isu-duwaha Gobolka M/jeex Md Cabdiraxmaan Jaamac Rooble Shiine oo isaguna Halkaas hadallo kooban kasoo jeediyey, ayaa ku baaqay in  Reer Hargeysa muujiyaan Martigelintii ay caanka ku ahaan jireen, isla-markaana ay ka abaal gudaan soo dhaweyntii ay muujiyeen Reer Burco iyo waliba Reer Borama.

Tababaraha Xulka Gobolka M/jeex Mudane Dirir-dhababa oo isaguna Halkaas Hadallo dardaraan ah ka jeediyey, ayaa si weyn ugu adkeeyey shacabka ku dhaqan caasimadda  inay sumcadda caasimadda dhawraan, isla-markaana ay taariikhda ku galaan dhib la’aan iyo waliba dhawrista shuruucda ciyaaraha.

Guddoomiyaha Gobolka M/jeex Md Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo ugu dambayntii Kulankaas soo gunaanaday, ayaa tilmaamay inuu shacabka caasimadda ka filayo inay soo dhaweynta Xulalka kala duwan ee Hargeysa imanaya si weyn uga soo dhallaali doonaan, waxana uu xusay in Cabashada ay qabaan haddii ay Xulka Gobolka yihiin tahay mid ay ka tirsanayaan Wasaaradda Ciyaaraha, “Waxan Shacabka Reer Hargeysa ugu baaqayaa inay su hufan usoo dhaweeyaan Xulalka martida ugu imanaya, maanta Reer Hargeysa marti baa loo yahay waxana looga fadhiyaa wixii cid marti loo ahaa laga filan jirey, ma jirto wax dhibaato ah oo dhex taalla Ciyaar yahannada Gobollada M/Jeex iyo Borama, haddii aanu Gobolka M/jeex nahayna cidda aanu wax ka tirsanaynaa waa Wasaaradda Ciyaaraha, mana aha Reer Borama, Reer Hargteysa haddii ciyaaryahanno yihiin iyo haddii ay Shicib yihiin waa inay muujiyaan Qaan-gaadhnimo iyo waayo aragnimo, waayo waa caasimaddii dalka.” Ayuu yidhi Guddoomiye Jeeniyare.

Ugu dambayntii waxa Halkaas lagaga dhawaaqay Guddi shan xubnood ka kooban, kuwaas oo hagi doona Hawlaha martigelineed ee Xulalka Hargeysa iman doona, waxana xubno ka ahaa Xog-yaha Gobolka M/Jeex, Isu-duwaha Gobolka, Tababaraha Gobolka iyo Laba xildhibaan oo katirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargteysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here