Garoowe:(Hubaal)-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u muuqda mid kala daadanaya, iyadoo ciidamo tiro badani haatan u goosteen taliye kuxigeenkii hore ee ciidamad Booliska Maamulkaas Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse Muxudiin oo isagu muddo kahor ciidamo goostay, isla-markaana diiday ammarada kasoo baxaya Madaxweynaha Gaas. Degaanka Qarxis ee duleedka Magaalada Garowe ayaa la sheegay in ciidamo Puntland u dirtay ay isku hor fadhiyaan Gen, Muxuyadiin Axmed Muuse iyo ciidamo kale oo laga diray Madaxtooyada Puntland. Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya inuu Garowe ka baxsaday Madixii hore ee Sirdoonka Puntland Col. Cabdi-yare oo ku biiray Gen. Muxuyadiin Gacameey. Arrimahan ayaa ka dhashay markii Madaxweyne C/weli Gaas uu wasiirka Amniga dhowaan u magacaabay Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hore u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nugaal. Gen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa hore ugu eedeeyay C/weli Gaas inuu sii daayay rag Alshabaab ah oo jufadiisa kasoo jeeda, halka madaxtooyada Puntland ay ku doodeyso in Gen. Muxudiin xilka looga qaaday wada-shaqeyn uu la yeeshay Alshabaab. Rasaas xoog leh oo shalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa maamulku uu sheegay inay ahaayeen askar rasaas furtay oo aanu dagaal dhicin, waxayna wararku intaas ku dareen in ciidamada ilaalada xarumaha hay’adaha dowliga ah ay joojiyeen howlahoodii. Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in ciidamadu gudaha u galeen Guryaha Taliye muxyadiin iyo kornayl Cabdiyare, halkaasna kala baxeen tiro gaadiid ah iyo hub. Madaxwweyne Gaas ayaa u muuqda inuu xakameyn kari la’ yahay xaalada maamulkiisa iyadoo is eegashada beelaha iyo isbedelada uu sameynayo ay xaalada uga sii dareen.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Maamulka Puntland Oo Burbur Qarka u Saaran, Saarkiil Ciidan Oo Goosatay iyo...