Hadii aan tahriibi lahaa
wasiiradda tayga laa
Dhaantada ii tumi lahaa
Wadaad loox tuuray baa
Tuweys wada dheeli layn
Xukuumada talinaysaa
Dartay isu taagi layd…………Abwaan Weedhsame
May ahayn arrin ugub ah, waxayse ahayd arrin curad ah, wallow aan odhan karo waxay ku soo beegantahay wakhti aan munaasib ahayn, oo aan marnaba la filayn,hadana sidaynu wada ognahay waktiga loo yaqaano xagaaga ( Summer time ), waa wakhti ku caan ah in qurbo joogta Somaliland dalka dib ugu soo noqdaan iyagoo dhamaantood soo cago dhigta dhulkooda hooyo. Qurbo joogta Somaliland waxay qiimo badan ku leeyihiin dhulkooda hooyo, oo si xushmad, karaamo iyo qadarin badanba loogu soo dhaweeyo, qurbo joogta Somaliland waxay xoog uga qayb qaataan dib udhiska wadanka, waxay ka qayb qaataan qaadhaanada wax loogu ururinayo Qaranka Somaliland, waxay hadh iyo habeen taagero buuxda soo siiyaan Ehelkooda, Qaraabadooda, Asxaabtooda iyo Axbaabtoodaba, marna lama dafiri karo doorka ay ka qaateen dib u dhiska qarankan yar ee curdinka ah ee hadda uun 23 jirsatay, dhamaan shacabka Somaliland waxay u hayaan abaal aan marnaba la dafiri karayn qurbo joogta.igumay ahayn wax cusub inaan arko qurbo joog la casuumo, waanay mudan yihiin in mar iyo lababa la casuumo, waxaase dhakafaar, u qaadanwaa, iyo wax maankayga iyo maskaxdayda ka waynaaday igu noqotay markaan ku war helay in Wasiiradii iyo madaxdii qaranku aanay u kala hadhin xafladaa, lagana soo agasimay madaxtooyadii dhamayd ee qarankan looga talinayay, waxaa maskaxdaya ku soo degdegay suáalo badan oo maankayga iyo maskaxdayda dhalin geddiyay oo jawaab saxa aan u waayay, dadka la soo casuumay waxay ku dhawaayeen tiro ahaan 3000 – kun oo qof oo qurbe joog ah , kuwaasi oo in badan oo ka mid ahi ay goobta joogeen, hadii aan ka soo qaadno in calaa qof kharashka lagu bixiyay uu ahaa kaba soo qaadoo aan yaraynee $15 dollar in qofkiiba uu ku baxay, waxay noqonaysaa $45000 oo dollar, bal qiyaas $ 45000 oo hal habeen oo qudha ku baxay waxaan macno badan lahayn iyo xaflad aan wadan wax qorshe ah ( Agenda ) intee dhalinyaro ayay shaqo u abuuri lahayd, intee darbi jiifa ayay wax u tari lahayd, intee qof xanuusanaya ayay dawo u goyn lahayn, intee intee wax ayay qabyo tiri lahayd, mise waa halkii boqoradii faransiiskee waxaynu maraynaa Hadii keega la waayo, may roodhidaba cunaan, lacagtani halkay ka timid, ma mid iyadu is keentaybaa mise waa mid cashuurtii dadka laga keenay, arintanoo kale miyaanay ahayn wax aan macno badan samaynayn mise xukuumadu magac ayay ka raadinaysaa inay tidhaa waxaanu casuumnay qurbo joogta, se maanta miyay ahaayeen qurbo joogto kuwii la casuumi lahaa, inay iyagu wax casuumaan mooyaane, meeyeen ubixi dalkani, meeyeen dhalinyaradii jaamacada ka soo baxday, meeyeen labeentii iyo ubixii wadankani inta tahriibaysa ee bada maanta isku guraysa miyaanay wax badan u tarteen, kol ay wacyi galina u noqoto, kol garoon yar loogu dhiso oo ay ku madadaalaan wakhtiyada ay firaaqada leeyihiin, kharashka intaa lagu bixinayaa miyaanu wax ka tareen xabaalahan uu daadku soo saaray ee kuwii qarankan u soo halgamay ay ku aasnaayeen, miyaanay maanta ugu filnaan lahayn dayr- yar oo loogu wareejiyo xabaalaha Mako Dur-Duro, miyaan maanta dayr aan loogu dhiseen xabaalaha uu daadku soo saaray ee ku daran yaysan goob kasta, ee markastuu roob daó lafahooda laga soo ururinayo dooxyada, aaway damiirkii hoose mise waxay maraysaa, hadaan dhargay maxaa iga saaray ka baylahsan, waanu jecelnahay qurbo joogta, waana la ogyahay abaalka ay dadlkan ku leeyihiin inay sagxada ugu hoosaysa ka soo bilaabeen ilaa iyo maanta oo uu wadanka marayo meel fiican, oo yididiilo, rajo iyo mustaqbal wanaagsanba leh, walise may gaadhin halkii la rabay, wali waxaynu maraynaa meel dhexe, malahayga canaana ha iga ahaatee waxaan qurbo joogta sharafta leh leeyahay maanta may ahayn maalintii la idin casuumi lahaa, maanta may ahayn maalintii inta xaflad la idinku casuumo aad qoob ka ciyaar ciyaari lahaydeen, maanta may ahayn maalintii kharash wax tari lahaa dad danyar ah aad yeeli lahaydeen in la idinku casuumo, haduu inuun garaadkiinu shaqaynayo intii la idinku casuumay ayaad in kale ku dari lahaydeen, oo aad ugu deeqi lahaydeen dadka daranyaysan oo halkii danbi iyo qoob ka ciyaar iyo keeg iyo saanbuue aad ku bixin lahaydeen aad ilaahay ajar kaga heli lahaydeen,dadkiina iyo dalkiina aad wax tari lahaydeen, abaal iyo ajartoona la idinku hayn lahaa, xukuumadana mid baa seegtay, maanta may ahayn maalin qurbo joog la casuumo, waad arkaysen duruufaha dhaqan dhaqaale ee wadanka ka taagan, waad arkaysaan xaalada lagu jiro, tallow mise maba ogodin, oo waxaa idiin daaran heestii ay ereyadeeda ka midka ahaayeen., Maxaa iga galay Danyari, Aaan duunayba lahayn, miyuu dadka naga xigaa, maanta kharashaadka la burburinayo ee sida macna darada u baxaya waxay dabooli lahayd baylah badan oo inoo taal, waxay qabyo tiri lahayd albaabo badan oo inoo furan, waxay yididiilo galin lahayd in badan oo quus ka taagan nolosha, waxay wax tari lahayd in badan oo dhalinyaro ah oo awoodi waayay inay jaamacada iska bixiyaan oo inuun niyada ku haya cid u soo gurmata, waxay haqab tiri lahayd duruufo badan oo ina hor taagan, may ahayn maanta maalintii 25-ka wasiir ee xukuumaa ka tirsani ay goob bilaa qorshe ( Bilaa Agenda ) ah intay isugu yimaadaan, ka codsadaan fanaaniinta in loo heeso,tallow miyaanay ka baqanayn il mise qardhaasay hoosta ku wataan, malahayga marka laga tagi waayo wasiiro kooban ayaa goobtasi ka maqnaa,miyaan calaacali ahaa hadii qorshe uu jiro oo la leeyahay qurbo joogtu siday u soo caawin karaan dalkan, miyaan quusan lahaa hadii qurbo joogta lagu dhiiri galinayo inay dalkooda dhistaan, miyaan niyad jabi lahaa hadii qurbo joogta lagu canaanayo inay ka gaabiyeen doorkii ay wadankan dib u dhiskiisa ka qayb qaadan lahaayeen, miyaan is ciil kaambiyi lahaa hadii qurbo joogta qaadhaan lagu waajibanayo oo la leeyahay soo bixiya dalkani idinkaa u maqan,hadaan intaa oo qorshe miduun arki lahaa qalinka iyo warqada ismaan dul dhigeen, ee amaan iyo dhiiri galin ayaan kula dul kufi lahaa, horay u dhacday in sanadkii horena sidaasoo kale loo casuumay, sanadkana way dhacday, se sanadaha danbe waxaan rajaynayaa in casuumadan loo fidinayo qurbo joogto ay iman doonto iyadoo waji kale leh, hadaan sii sawirto oo aan malahayga gaarkaa ku sii qiyaaso, waxaan sawirtay qurbo joogta oo intay casuumeen inta itaalka daran, inta rajo ku noolkaa, inta baahida hayso, intay lacago u soo ururiyeen ku caawinaya, iyadoo gacmaha is haystana ku dhawaaqayana iyagoo codkoodu hal mid yahay , ma nihin kuwii la casuumi lahaa ee waxaanu nahay kuwii wax casuumi lahaa, xukuumadana talada haysana waxana leeyahay maaha inaad dhiiri galisaan tahriibta, markad leedihiin qurbo joog ayaanu casuumaynaa miyaanay taasi ka dhignayn, kii wadanka joogay waxaa ka mudan kuwa qurbaha, miyaanay ahayn iyadoo wasiiradu ay dhiiri galinayaan in ka dhoofaa ka qiimo badan yahay kii qol- qol joogta ahaa, malahayga waxaa mudnaanta koowaad leh in ka wadanka jooga uu ka mudnaado ka qurbaha ka yimid sababtoo ah ka wadanka joogaa wuxuu ka xaq mudanyahay ka wadanka isaga tagay ee ka cararay, isku soo wada duuboo Madaxwaynaha dalka iyo wasiiradiisa talada dalka haya waxaan leeyahay ha noqonina qaaar dhalinyarada u horseeda inay tahriib miciinsadaan, oo ay iyaguna ka mid noqdaan qurbo joogta bari, hadiise ay ka waantoobi waydo xukuumadu casuumada aan macnaha badan ku fadhiyin waxana leeyahay waxaa idinku waajiba inaad iyagana casuuntaan inta Qolqol joogta,Quus u joogta, Qeyrkood u joogta ,Qolo u joogta, Qiiro u joogta, Qaxar u joogta & Qas u joogtaba ay casuumadoodii idinka sugayaan, naawilayaana inaad dhawaan kala soo qayb gali doontaan si la mid ah tan qurbo joogta, kharashkana ay xukuumadu bixin doonto ilayn iyagaaba uga xaq badan kuwa maqane ee aad casuunteene oo cashuurtoodii ay tahaye, isku soo wada duuboo waxaan ku talin lahaa inay xukuumada ka waantoydo waayo arag laáanta ka haysa waxyaabo badan, intaan hawlahaa oo kale la galina laga wada tashado saamaynta ay yeelan karaan arimaha caynkaas ahi, ugu danbayntiina waxaan leeyahay kamaydaan hor tagin tahriibee, waydun sii dhiiri galiseen, waxaynu dhawri doonaa waayaha, waxaynu sugi doonaa saamaynta ay xafladaasi ku yeelato dhalinyarada,waxaynu eegi doonaa meeshay ku danbayso, qurbo joogtana waxaan leeyahay, idinkaa wax la idinka filayay ee maydaan istaahilin in maanta casho iyo casuumad aad ku qanacsanaataan, in badan oo baahi hayso ayaa wadanka joogta intaasaa istaahishay, waxaanan ugu danbayntii ku soo- af xidhayaa maqaalkayga Meeriskii uu abwaan tarabi yidhi ee ahaa ( Ninka Dibiga Qalayee, Dibjirkina Qadiyee, Quro Joog Casuumow, Duco Kuuma Soo Hoyan ) waxaanan leeyahay “ Tahriibaha Maantu, Waa Qurbo Joogaha Bari ”
Qalinkii : Abdifathah Sh.Nouh Jamac ( Suldanka )
Email: Samriye99@hotmail.com
MBA Student in Jomo Kenyatta University