Maansada HIMILO Oo Ka Mid Ah Maansooyinkii Abwaan Weedhsame Ku Soo Bandhigay Kulankii Habeenka Weedhsame Iyo Waadiga Suugaanta Ee Caawa Uu Ku Qabtay Hotel Mansoor

0
1801

Hargeysa (Hubaal) Waxa caawa hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa lagu qabtay kulan loogu magac daray habeenka Weedhsame iyo waadiga Suugaanta,halkaas oo Abwaan Xasan Daahir Weedhsame uu ku soo bandhigay maansooyin cusub oo uu daawaha ka qaaday,kulanka caawa ayaa waxa kasoo qaybgalay aqoonyahanka dhalinyarada,hal-abuuro,madax iyo martisharaf kale oo badan.

Kulankan caawa waxa uu Abwaanka dhalinyarada ah ee Xasan Daahir Weedhsame ku soo bandhigay maansooyin cusub oo uu kaga hadlay isla markaana ku cabiray abwaanku xaaladda dalkeena haday tahay dhanka dhalinyarada iyo sidoo kale arrimaha bulshada,taas oo Dhammaan dadkii goobta joogay dareenkooda taabatay. Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa maansada Himilo oo qoraal ah,Waxaanay ku bilaabantay sidan:

habeenka weedhsame

Halkaan dhex lugaynayaa

Qabsoo waa heel bannaan

Habaas weyn aadmigii

Ka haajiray oo cidlo ah

Hal baan raadcaynayaa

Habawdoo fool luntoo

Habeenaba iga maqnayd

‘‘aramay hororadu cuneen

Armuu cadaw kale hantiyey’’

Anoo ku hadaaqayoo

Mashquul ku ah hawl aduun,

Aseen haabkaba ku hayn

Hay haatada meesha tani

Haween dumar baa ku nool

Ayaan halhaleel indhaha

Ku halacsaday ruux kumbudha.

Kaliil hoosiisku gudhay

Cadceeduna haylihiyo

Huggii kaga timi godkii

Fallaadhaha hootadiyo

Ka daran haashkiyo warmaha

Tiiyoo kul hagoogatoo

Hoosteedana raranku yaal

Miyaan hal haleel ku idhi

‘’Arkoo inad tahay haween,

Hoomaygaan kugu gartee,

Hawaarsatay siigadee

Maxaa hayjadan ku dhigay?

Waxay hoos iigu tidhi

‘‘Ciddii iga hoyn lahayd

Ayaan weli haybiyaa

Intuu I haleelayaan

Adkaysiga hiigayaa

Rajooyin hawaawiyaan

Duruuf ku hor joogayaa’’

Intaan holliyeen cabbaar

Ka guray haasaawe ciil

Waxaan hoos hoos u idhi

Sawkani hooskiyo berduhu

Hareeraha kaa xigaan

Maxaa heelkani ku furay ?

Waxay tidhi hoogi-waa

Sawkii halabuur ahaa

Hirku arkayaa dhawaa

Hadoodilka muuqda iyo

Malaha higilkaad is tidhi

Dhankaa hadhac baa xigee

Xar baa helay oo hirqaday

Dhuuxiyo hoostaa bannaan

Ma hadhin geed iima hadhin

Hadhkaa yacaygaan sugaa

Markay hadalkaa lahayd

Harraad bay gawracnnayd

Hunkiyo calalkay xidhnayd

Hayliyo boodh buu lahaa

Waxaan hoos hoos u idhi

Halkee hilo laga cabiyo

Har iyo ceel kuugu dhaw?

Waxay tidhi heermi waa

Kuwaa hadda uumi-baxay

Jeerooy hogoliyo noqdaan

Daruur iyo heego roob

Hortood oon igu ogow.

Yaab baa igu soo hinqaday

Naftaydaa hoos u tidhi

Qof maaha hummaaga kani

Jinkii naasaha hablood

Armay tahay habartan baas

Hadmayse is daawadeen

Quruuntii kala hulkii

Hagoogtuna kala dhex tiil?

Hadloo idhi oo ku idhi

Bal aynu is haybsanoo

Hor alla isu tooyanee

Ciddaad tahay ii hal-celi

Waxay tidhi himiladii

La hiigsanayaan ahee

Hor-seedkaad soo dirteen

Sawkaa dubur hawd ka xulay.

 

Saan iyo harag baa ka kacay

Dubkayga saroo hatigay

Dareenkaygii hurdaa

Dabkii huray toos ku yidhi

Waxaan idhi lama-huraan

Habaaskaad yuururtiyo

Raggii kaa hoyn lahaa

Habheeb goofkani ad taal

Libtii soo hanan lahaa

Haadkiyo coomaadigaa

Ku helay saxariyo cidloo

Badhkood wuu haajiroo

Baddaa hiigtoo cuntee

Waxoogaa baa hadhee

Miyaad inna hogatusiyo

I fari hawraar murtiya?

Waxay tidhi hooyaday

Sheekooyin hallaasiyoo

Habniin igu siisay waa

Midkood aan soo horee

La yidhi waa hore niniyo

Haweenay u guursadaa

Hawl yari taajira is yidhi

Dameer heeryeysanoo

Markaa u hadaaq ciyaba

Higgoonaya lacag yaroo

Mar hore lagu soo guray

Soo heegeen seyladii

Durtaba waa lagu hab yidh

Hawada sixirkii la gee

Ninkii ugu hodansanaa

La hoyey guul been ahayd

Hoygiisa markuu la tegay

Hafrane wuu dhacanyahee

Dameerkii hudahudee

Hantaaq guji oo ka doon

Hantiyo lacag uu matago

Hungaase bariidisee

La waa suu yidhi hunguri

Hawiyo been noqoy warkii

Hambaabire goor la dhacay

Hayaay yidhi oo dhawaaq

Rag hiil gala soo kaxee

La aad gurigii hafraha

Dad aad hirar moodaysaa

Albaabka hujuun ku tume

Heblaa ka furtoo qallada

Haaraankii lagu salaan

Hoogtooy mee kii ku qabay

Habaar-qabe muu hurdaa

Hoosaasiyihii na dhacay

Halkuu joogaa la yidhi

Iyada hanjabaadaniyo

Hiifkiyo guulguulka kani

Hiyiga kama qoomayaan

Duqdani waa heego laac

Haawey dhacu guul la yahay

Cabsina way kala hadheen,

Waxay hawl yari u tidhi

Hiraabtii buu baxoo

Shirkii haaadduu tegee

Maxaad la hadaaqaysaan?

Tiiyoo hadalkii an jarin

Ayey hab kalsooniliyo

Sidii wax la hubo u tidhi

I suga ey soo heloo

Haddeerba u yeedhayoo

Anaa diri hawl-karee.

Haddii in hadhuub la dhamo

La sugay hugunkiina go’ay

Hadh-qoodaarkii is keen

Heblaay yidhi oo dhawaaq

Dadkii heegganka ahaa

Mar qudha hayn waa qolkii

Habqame irriddana la boob

Horalle waa kii wax dhacay

Oo ey kii hore la midi

Ka joogo hareerta midig

Hoggaankiisana hayaa.

 

Haddana mooyaan wax helay

Qof qudhi hadal qaadi waa

Wuxuu hiirtii u yimi

Hootada soo rogani waa

Ninkuu hayntiisa dhacay

Dadkii haw soo lahaa

Hakiye socodkii hakiye

La huwi bustayaal kalgacal

Qadhqadhe habbisana la saar

Tuuggii cidi may hatigin

Heeg iyo lama geyn maxkamad

Si weyn loo wada habsii.

Hilmaami shilkii dorraad

Hunguri eygii ka gale

Hindise kuna wada hammiye

Sidii loo hanan lahaa

Hantina loo siisan laa

U dhuray hadalkii gorgorin

Dadkii noqoy hawtulhamag

Dhimbiisha ku soo hirdama

Nin baa hayin soo ban dhigay

Badh baa heediyo galley

Hadhuudh naga sii ku yidhi

Ninkii halo geela iyo

Hor weyn soo tubay libtii

Nijaasta ahayd la hoyey.

Hoggaan ku gadhqaad kaxee

Hadh geed ku xidh oo xurmee

Hiraabta laf weyn ku soor

Wuxuu balaqoo hurdaba

Wuxuu hirqaduu nimcada

Hinbaabaco oo daldalo

Hayboo reerkani ag yaal

Habeen hore wiil ka dhaxay

Inuu soo haybiyoo

U soo helo loo xil saar

Naf baa haysee fakade

Hawdkiisa xul oo baxsade

Haddeer waa curad hungadu

Warkii tuulada hulaaq

Habliyo waayeelba gaadh

Hayaay-dii la is dhansii

Rugtiisii lagu hagaag

Ma joogo hubaal ninkii

Hebloo keliya fadhida

Halkuu joogaa la yidhi?

Waxay tidhi huudantooy

Libaax hal ka qaatay baa

Magtii ku habsaantayoo

Gartoodu habar dugaag

Haadaamo ku qaadayee

Haddeer wuu inna hayaa.

Haddana may aamusine

Si haaraanay u tidhi

Ordoo hadhacaa ku suga

 

Cabbaar baa loo hadh galay

Kiiyoo harag weyn sitoo

Ka soo hiray meel shishe ah

Soo raac hilinkoo is keen

Huruuf ku salaam duqdii

Sideed raggan haybadiyo

Hannaanka leh ee gobta

Martidan heelkayga timi

Hoos geed u fadhiisisaa

Hilbiyo nayl aad qashiyo

Karuur aad hidisa iyo

Ma soor baan hoyga ool

Naanaysyahay igu hab tidhi

Habeenkaad ii dhaxdaa

Hayaankii iga tagee

Hoheey tacabkay qasaar.

Heblina may aamusine

Waxay tidhi hiil ma tare

Halyey baan kaa dhigoo

Hoocoo sawtaad ahayd

Hiinraag dibintana qaniin

Xaggay habartii fadhiday

Hagaag ugu soo dhaqaaq

Galkeeda ka soo hitiqi

Abley halacloo af badan

Haddii ay hawaarsanayd

Haabhaabatay oo kac tidhi

Hantaaqantay oo buc tidhi

Haleel durba oo tudh sii

Haamada inu gooyayiyo

Qof haanka jaruu matalay

Hoor dhiiga aad moodaysoo

Hoobaan casa baa qulqulay

Dadkii naxdin buu haq yidhi

Hayeeshee wadar ahaan

Kaskoodii muu hawadin

Inay hoosaasin tahay

Shirqool hawl-dabar la jilay

Habaabiyo been qorsha ah.

Ninkii in hitaysay iyo

In aad u higgaadisiyo

In meel hogatoo didiyo

In hoogale bay noqdeen

Hormaa kacday dhiiranayd

Halkay ku dhacday tageen

Hubsade eegoo rogroge

Hayaay waa meyd la yidhi

Isagu hangaraarac iyo

Inuu halaq gooda dilay

Ma moodid habaar ku dhace

Horuu gurigii u galay

Ul buu kala soo haf yidhi

U eeg dhuun iyo hunguri

Hebloo wadhan buu dul tagay

Hoogaansade yuurursade

Hawuu ku afuufay badan

Duqdii hanqalkaa xarrigay

Qaskaa hurdadii ka kacay

Meydkii baa soo hinqaday

Hankaabsaday oo ka kacay

Habaaskiyo siigadii.

Ninkii duulkani hawiran

Inay habi laayihiin

Isagu wuu hundo ogyee

Wuxuu heelkii ka yidhi

Hogfo-xun marar aan naftiyo

Heddeeda jaroo qatalay

Habkaasuun baan faloo

Waa taa heetisay xarrago.

Hungada kama digo rogtaan

Sidii haan daba la’ bay

Xasuustooduna habtaa

Shalay halistay mareen

Iloobe hantaaqadii

Mar kale wax lagu hirdamay

Ushii harawsiga ahayd

Mid kale hagar li u dhiib

Hantiyo maal wuxu lahaa

Sidii wuxu helay macduun

Gashade hoostoo qarsade.

Dhaqaalahu waa haftiyo

Hagbado bilo loo kaltamo

Intaan hanti qaadanaan

Hawada tiro yaacaysiyo

Huf iyo been iibsanaa.

 

Aqoonsiga hagabsadiyo

Bishaaradu waa hadhaw

Runtuna hagagay jiq tahay

Beentuna waa hadal yaqaan.

Dantii guud baa hengelan

Hankii ummadaa bahdilan

Habkii noloshaa arradan

 

Rag hayb ka xoroo fakara

Rag hawlkara oo guntada

Huraal rag leh oo waxtara

Hiraal rag leh oo dad haga

Rag haybadle oo dan wada

Rag hiigsi le oo wax raba

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here