Midhaha Iyo Macnaha Maanso Si GAar Ah U Khusaysa Xuska Maalinta Shuhadada SNM ee 17-ka October
- Waxaan gabaygeyga;
- Guubaabada ciilka;
- Barbaarta gedayda;
- Katiinadu goysey;
- Guhaadda Wuxuushta;
- Gubtoon ledi waayo;
- Haddaanan hadaanan;
- Haddaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha;
- Hadaanan hadaanan;
- Hadaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha;
- Waxaan gabaygeyga;
- Guubaabada ciilka;
- Gubtoon ledi waayo;
- Go’aanka la qaatey;
- Gudoonka hagaagay;
- Hal guutiyo guuto;
- Hal gaasiyo weerar;
- Waxaan garideyda;
- Had waagu guduutey;
- Habeen kala guuray;
- Carooga garaaco;
- Galaaydiyo feylka;
- Gariirka dhaqaaqey;
- Gaashaanka midoobey;
- Ragaan u galaydhey;
- Haday gembiyaanoo;
- Illaah na gargaarye;
- Hadaanan hadaanan;
- Hadaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha.
- Waxaan gabaygeyga;
- Guubaabada ciilka;
- Anoo garbo duuban;
- Ilmada gu’iweydey;
- Gadhka iga dareerto;
- Waxay guntu yeeshay;
- Hadaan gondo dhiigle;
- Go’yaasha ximreystey;
- Galaal laga buuxshey;
- Ka geysanayaaye;
- Hadaanan hadaanan;
- Hadaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha.
- Waxaan gabaygeyga;
- Guubaabada ciilka;
- Gaadiidka hayaamay;
- Gadh-qaadkiyo awrta;
- Geeraariyo maanso;
- Ku geedi gashaaba;
- Goobtaan ku furaayo;
- Waxaan guri oodka;
- Gudmaha iyo hangoolka;
- Galoolkaan yagleelo;
- Usii gole xaadho;
- Xareeda gadhoodhey;
- Tigaada isgoysey;
- Haddey gacalkeygu;
- Gadhoodhkiyo haanta;
- Ku geedo lushaanne;
- Hadaanan hadaanan;
- Hadaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha.
- Waxaan gabaygeyga;
- Guubaabada ciilka;
- Gubtoon ledi waayo;
- Geedkaan midhihiisa;
- Usoo halgamaayey;
- Gobkeyga bislaaday;
- Hoobaanta isgaadhay;
- Guntiisiyo baarka;
- Hadaan gacanteyda;
- La gaadhi karaayoon;
- Ka gaajo baxaaye;
- Hadaanan hadaanan;
- Hadaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha.
- Waxaan gabaygeyga;
- Guubaabada ciilka;
- Gubtoon ledi waayo;
- Galoofta hashayda;
- Hashayda gabnowdey;
- Geestaad ka martaaba;
- Hashuu gol-qaniinku;
- Gunaadka u yeelley;
- Gafuurka dhurwaagu;
- Hashuu gujinaayey;
- Hashuu garangoorku;
- Kasoo go’ay dhiiga;
- Hashaan gorofkeeda;
- Afkaa gelin waayey;
- Hadaan godlayaaye;
- Hadaanan hadaanan;
- Hadaanan gadoodka;
- Lixloow gu’ga maanta;
- Lasoo hadhin guusha.
Waxa diyaariyey, Garyaqaan: Xasan Cali Xasan
Phone: 063-4407217
Email: qareenxasan@hotmail.com