W/Q: Sadiiq Faysal Faarax Carabayto
Magaca Eebbe Iyo
Bisinkan Ku Bilaabaya
Hadii Barbarkaaga
Barwaaqadu Taalo
Beelahan Agteene
Baashena Yaala
Naq Kumay Barisano
Baahi Baa Ka Ogane
Burco Goonyaheediyo
Bari Intuu Ka Leekaa
Abaara Ku Baahan
Idiin Soo Bandhigayaa
Adiguna Burhaanow
Bulshadeena Gaadhsi
Baaqiyo Warkaygoo
U Bayaami Dhiilada
Orod Soo Baraaruji
Bayd Bayd Wax Ugu Sheeg
Bi’i Waaye Shacabyow
Bugtadiinan Soo Eeg
Dumar Kiyo Barbartan
Gaajadu Bislaysee
Bogu Caloosha Hayste
Beerku U Engegayee
Naf Baxaya Daymoo.
Abaara Dhacaayo
Baadkii Idleeyoo
Bartii Aad Istaagtana
Bakhtigaa Is Gaadhoo
Boqol Boqol U Yaalad
Ku Arkaysaa Banaanada
Bulshadaasi Maanta
Baradoodu Waa Caydho
Biya Madaw Ma Haystan
Baaqaygu Wuxuu Yahay
Ma Barakoobo Maalkii
Bangiyo Laga Buuxsada
Ifkana Baahi Joogtiyo
Baaqi Lagama Waaye
Bulshayahay Ogsoonow
Waxad Maanta Bixisaa
Ka Sii Horeeyo
Beri Iilka Kula Galiye
Umadeenan Baahan
Hadii Aan Baxnaaniyo
Dag Dag Baano Lo Siin
Hedu Way Baxaysaa.
Allahay Raxmaaanow
Naf Bugta Bogsiiyow
Baahi Tiraha Aduunkow
Barkhadaale Noo Shub
Allahii Na Uumow
Ada Oonka Biiye
Naga Bixi Abaaraha
Mulkiilihii Aduunkow
Barwaaqiyo Hoodiyo
Bash Bash Noogu Deeq
Waxa Tiriyey
Qalinkii: Sadiiq Faysal Faarax Carabayto