Maanso Daaha Ka Feydey Dhaliilo Dul-hoganaya Baahinta Af-soomaaliga Ee BBC-da Oo Abwaan CASHUUR Curiyey

0
141

cashuur

‘Biibiisidani, Biibiisidii Maaha Berigii’- Ereyada Maansadan Oo Hal-ku-dhegeegu Yahay Beerlaxawsi

In dhaweydba waataan Baraxay, bowdkii maansada’e,

Mid barooya maan tirin, Xiligaad iiga barateene

Inaan kala baqoolaan ku waday, Baylahdii gabaye

Baabkiisa anigoo xidh idhi saan u kala baadno

Ayuun buu shalay goor barqo ah, goohu ii baxaye

Kolkaasay iyaba waa balwade wax isku beegmeene

Shan haloon isuba baadi noqon, aan ka biliq siiyo

Biibiisidani, Biibiisidii maaha berigii

Waa baahintii Muuq-dishaad oo badhaxla wiilowe

Buunniyadii Murtida iyo naxwahan Biliga kuu yeelay

Ee dunida qayb idin baray, ayaad haatan baqastaan

Budh baa lala dhacaa Luuqadii baarqabka ahayd

Sedh-waay (ZY) inaad Bajaaj dhaafsataan waa bakhaylnimo

Waayadanba daartii Bush hows maaha baalaanis

Barnaamijka iyo wararkeedu geestaas bay u badan yihiine

Shaqaalaha Bidhaanbaa Taraxa, Dhaafay Boqolaal

Barqo-dharaga iyo Qaranimadda taala baladkeena

Badhaadhe iyo Amniga ka hirgalay iyo horumarkaa buuxa

Ee aan u baahnayn cid kale Boqorka mooyaane

Bilicdaadan ma arkaan Ilaah kuu balaysimaye

Waxay baadi doon ugu jiraan say u buriyaane

Waxaanay aad u buunbuuniyaan buuq-yar oo dhacay

Ballo laga ducaystiyo xumay naga dhex baadhaan

Beyshin bay dad hor Alle u fayow baratansiiyaan

Bayaan muuqda waxaa kala haboon been abuur shuba

Badheedh bay gef noogula kacdaa doqoni waa booshe

Baraad li’ida shicibkay arkeen aan baraarugin

Waxbase yuu Berberaduu ka furay Bilowgii Raadyowgan

Taariikh inoo soo bandhigin, Beerlaxawsiyahe,

Fm-taa bartaa inay dhigtaan baadilba ahayde

Baradaada TV ku lida boos kale u raadsha

Baaqiyo farriintaasi waa waxaan banaaneyne

Bulshayahay ayaanu idin hoddin biidhi qaatuhu.

Booraan yay idiin qarin dahsoon dar aad bah moodeen

Oo dayrtii hore laga bedalay Borogaraamkii

Nin libtaada inuu bi’iyo jecel tiisa ha u bilin

Berina waxaad isku canaanan layd maanta ha is badin.

 

Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur waxaa uu maansadan curiyey oo ay  soo baxday shalay oo taariikhdu ahayd 18-ka JULY ee sanadka 2017, oo ku beegnayd sanad guurada lixdanaad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay laanta af soomaaliga ee BBC-da, 18-kii July 1957, taasi oo xaflad lagu xusayo ay BBC-du ku qabatay shalay Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here