Waxa curiyey Abwaan Sacad Axmed roodhiile.
Maansadan waxay la hadlaysaa dadka walaalaha ah ee colaadu ku dhexmarayso ceel-afweyn deegaanka dararweyne, waa maanso gurmad iyo waano ah waxaanay leedahay sidan:
Waar hoy hanbadiina
Dagaalka huraaya
Haybtayda baxaysa
colaad lagu hoobto
Dadkeena haleesha
Waar hoy hanbadiina
Intaa halal joogta
Waryaan hubku laynin.
Hubsoo ha is heerin
Waxaan ku habsaanay
Waxaan la hagaasnay
Waxaan la hodmaynin
Waxaan ku hungownay
Dagaalkan huraaya
Intaa hilbaheena
Waraabuhu hiigay
Waryaa hubka jooja.
Ishaa hibiqlaysay
Dhalaan iyo hooyo
Haweenkani hoogay
Waryaa mahuraanka
Abtow la helaynin
Inaabti is heertay
Hugayga dadkayga
Dabkaa ku huraaya
Hed aan cudurkeenin
War hoy hubka jooja.
Wallaalo is heera
Xabaal la hogeeyo
Hadhow iyo naarta
Xisaabta hadhaynin
Hoheey iyo ciilkan
Halaaga dhacaaya
War hoy hubka jooja.
Belaayo higlaysa
Belaayo huraysa
Belaayo hulaaqda
Dadkoo dhan ku hoobto
Hal doon wada saaran
Halkii gubanaysa
Hadaan la bakhtiinin
Hurdooy nabadeena
Inaan hibatayni
Hadhow la helaynin
Ayaa la hubaaye
War hooy hubka jooja.
Halkii nabad doonka
Halkiisiyo guurti
Halkii oday caaqil
Halkiisi suldaanka
Halkii madaxdeena
Halkii ehludiinka
Colaadan huraysa
Hadaan la horjoogsan
Hadii la habsaamo
Hungay noqotaaye
Wax baa la huraaye
Dadkaa isku hoobtay
Waryaa hubka jooja.
Bal ciilkiyo hooga
Hareeraha eega
Soomaalida hoogtay
Halaaga dhacaaya
Waxaa higle maanta
Waxaa hilbo daadsan
Dugaaga hafaaya
Adduunyada hiiftay
Tusaalahan hooya
Wallaal hubka jooja.