Maanso cusub oo ay Curisay Abwaan Yaasmiin Maxamed Kaahin, 0104/2015, taasoo la magac-baxday Xurmo Hooyo, waxaannu iyadoo idil idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka bogoasho wanaagsan
Anoo xubin le’eg jidhkaaga,
Anoo xidid kula wadaagay,
Anoo xudduntaada quutay,
Anoo cunto kaa xammeeyey,
Anoo xiska kaa tabcaanshay,
Anoo kaarkiyo xannuunka,
Ahaa xummad shidda naftaada,
Xaraarka umushiyo dhibkeeda,
Xaddiga damaq fooli leeday,
Adaa xammiloo dulqaatay
Weliba xamdi-naqa Illaahay
Kolnaba ka xabeeban Hooyo.
Adoo i xannaanshay Hooyo,
Adoo i xambaaray Hooyo,
Adoo i xurmeeyey Hooyo,
Weliba xubbigiyo kalgacalka,
Xisaab li’i ii jeclaaday,
Adoo xilli adag maraaya,
Adaa Hooyooy xurmaynta,
Xilkiyo garashada wanaagga,
Adaa xilkasnimo bilaayey,
Weliba Aabbana xaq-dhawrka,
Xaqiisa adaa gudaayey,
Adaa u xamaalay Hooyo,
Xilkii Marwo adaan ka leexan,
Adaan ka hambaysan xoogga.
Nasab Hooyaday xariireey
Xayaatada aad ku nooshay,
Xushmad abidkaa ku joogoo,
Haddaad Hooyoy xerooto,
Qabriga Hoosiyo Xabaasha,
Xuladka Naartiyo Cadaabta,
Xujada imtaxaanka Eebbe,
Illaah kaa xoree lurkooda,
Xareed kugu soor Jannada
Xabiibku wehelkaaga noqoy.
W/C Yaasmiin Maxamed Kaahin
01/April/2015.
Hargeysa/Somaliland.