Musharraxa Mansabka Ugu Sarreeya UCID Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa:(Hubaal)-Musharraxa Jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag uga Hadlay Xaaladda dalku haatan ku jiro, waxana uu ka dayriyey xilliga ay Guurtidu muddo-kordhintooda ku saleeyeen oo uu sheegay mid aan wax dan ahi ugu jirin somaliland. Jamaal oo ka Hadlayey madal shalay Isbahaysiga Mucaaridku kaga Hadlayey muddo-xileedka xukuumadda oo gebogebo ah, ayaa sheegay in caalamka doorashada inaga caawiyaa ay kharashka doorashada diyaar la yihiin wixii ka horreeya Sanadka 2017-ka, “xiligan ay guurtidu muddo-kordhinta ku sheegtay oo ah 2017-ka, waa inaynu ogaanaa inaanay jirin 2017-ka wax lacag ah oo ay inoo hayaan, waxana ay beesha caalamku sheegtay in 2016-ka doorasho ay inoo maalgelinayaan aanay jirin, markaa waxad ogaataan shacabow saleebaan inaanu haynin lacagtii 2017-ka lagu gelayey doorashada,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Musharax Jamaal, ayaa warwar ka muujiyey inaanu madaweynuhu awooddiisii Distooriga ahayd isticmaalaynin, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay dawladdani ahayn mid la aamini karo, waxana uu yidhi,“madaxweynuhu ama awooddiisii ma isticmaalayo ama awoodba ma laha in runta la isku sheegana weeye, xaaladduna meel xaasaasi ah bay maraysaa, Haddii aanu aanu arki weyno kama dambaysta u ahayd xilka madaxweynaha waxanu shacabka u sheegaynaa inaanay dawladdu mid la aamini karo aanay ahayn oo ay khiyaamaysay xisbiyadii kale, Dawladda Heshiis khiyaamaysayna dawlad doorasho diyaar u ah inaanay ahayn.” Waxa uu sidoo kale qaylo-dhaan ka diray Noloshii shacabka oo sii adkaatay xilli lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaanta, isagoo arrintaasna Sabab uga dhigay Siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo“maanta dalkii waa la kala furfuray, waad ogtihiin waxa galbeedka iyo bariga ka dhacaya, waad ogtihiin Boobka hantidii qaranka ka jirta, waad ogtihiin sharciyadda lagu tumanayo. Maanta Hargeysa waa meelaha ugu nolosha adag, xabadda yar ee Xabxabka ah ayaa maanta 50,000slshl maraysa waligeenna noocan oo kale maynaan arag, taasna waxa u sabab ah siyaasaddii foosha xumayd ee Dawladdani ku wadday iyo cashuurtii faraha badnayd ee ay dusha ka saartay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.