Maanta Iyo Komsihanka: Guddida Doorashooyinka Oo Lagu Wado Inay Hoggaanka Saddexda Xisbi Hor-dhigaan Muddo-kordhin Asbaabaysan Iyo Aragtiyaha Is-diidan Ee Xisbiyada

0
37

Cirro Oo Ilkaha Usii Soofaystay Muddo-kordhin, Muuse Biixi Oo Diidmadiisa Iyo Dooddiisaba Diyaarsaday Iyo Faysal Oo Ishaa-falataynaya

Qoddobada La Filayo Inay Komishanku u cuskadaan Dib udhaca Doorashada Oo Socdaalladoodii Gobollada Barigu Ugu Horreeyaan Iyo Qaybin La’aanta Kaadhadhkii Cod-bixiyayaasha Oo Meel Sare Kaga Jirta

saddexda gudoomiye

Hargeysa:(Hubaal)-Indhaha bulshada reer Somaliland iyo kuwa beesha caalamka ee danaysa arrimaha doorashooyinka Somaliland, ayaa ku jeeda kulan  ay maanta u ballansan yihiin komishanka doorashooyinka Somaliland iyo weliba saddexda murrashax eek a kala socda saddexda xisbi qaran ee KUMIYE, UCID iyo WADDANI, kaas oo la filayo inuu qabsoomo xarunta guddida doorashooyinka.

Inkasta oo aanay jirin warar kulankan ku saabsan oo ay soo saareen guddida doorashooyinka qaranku, haddana waxa soo baxaya xogo tibaaxaya inay xubnaha guddida doorashooyinku guddoomiye-yaasha saddexda xisbi qaran hor dhigi doonaan caqabado tiro badan oo ku gedaaman inay doorashada madaxtinimadu ku qabsoonto xilligii loo asteeyey, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo muddo-kordhin labaad oo ay xukuumaddu hesho, si looga tabaabulshaysto dhibaatooyinka taagan oo ay abaarta baahsani kaw ka tahay.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee saddexda hoggaamiye ee xisbiyada qaranka la hordhigi doono, ayaa waxa kamid ah natiijada socdaal indho indhayn ahaa oo xubno komishanka kamid ahi dhawaan kusoo mareen deegaannada Bariga dalka ee abaartu ka jirto, kuwaas oo tiro badan oo dadkii deganaa kamid ahi ka hayaameen, isla-markaana aan la garan Karin meesha rasmiga ah ee ay joogaan, maadaama ay qasab tahay in qof kasta oo cdaynayaa uu helo kaadhkii uu ku codayn lahaa oo weli ku jira gacanta guddida doorashooyinka qaranka.

Qoddobada kale ee ay sii diyaarsadeen komishanka doorashooyinka qaranka ee ay u  daliishanayaan inaanay doorashada waqtigeeda ku qaban Karin, ayaa waxa kamid ah sida la sheegayo inaanay muddada labada bilood  iyo dheeraadka ah ee ka hadhsan doorashada kaga gaadhsiin Karin qabinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha oo weli gacantooda ku jira, isla-markaana aanay awood u haynin qaadashada dhaqaalaha ay hawshaasi u baahan tahay oo kuwo tiro badan lagu sheegay.

Komishanka-Doorashooyinka-cusub

Kulanka maanta loo ballansan yahay, ayaa wax aka horreeyey kulamo kale oo ay habeen hore la qaateen xubnaha komishanku madaxweyne  Siilaanyo, waxana ay guddoomiye yaasha saddexda xisbi hor dhigi doonaan natiijada dooddii ay madaxweynaha ula tageen iyo weliba jawaabtii ay ka heleen markii ay wadhooda dhiibteen.

Hoggaamiyayaasha axsaabta oo iyaga laftoodu ku kala qaybsan dib udhaca doorashada, ayaa iyaguna halkaas la tegi doona doona dooda ay sii diyaarsadeen, kuwaas oo ay kaga falcelinayaan soo jeedimaha komishanka, balse lama hubo aragtiyaha ay golahaas la tegi doonaan hoggaamiyayaashu.

Aragtiyaha ay hoggaamiyayaasha saddexda xisbi qaran ka qabaan dib udhaca doorashada, ayaa kala duwan, waxana hubaal ah in guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo xukuumaddiisa weheshanayaa kasoo horjeedo dib udhac kasta oo yimaadda, halka uu guddoomiyaha WADDANI laabta ka jecel yahay inay doorashadu markii labaad dib u dhacdo, maadaama oo uu dareemayo inuu kala daadsan yahay xisbigiisu, isla markaana abaartu u badan tahay deegaannadii uu filayey inuu codka badan ka heli doono oo Bariga dalka u badan.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isagu ah murrashaxa kali ah eel aba goor oo horena hoggaaminta dalka usoo tartamay, ayaa maalmahan muujinayey inaanu ku faraxsanayn doorasho waqtigeeda ku qabsoonta, waxana uu sheegay in baahi weyn loo qabo in gurmad ballaadhan loo sameeyo dadka abaartu saamaysay.

Inkasta oo bulshadu u dheg taagayso dhawaaqa ay hoggaamiyayaasha axsaabtu kala kulmaan komishanka doorashooyinka, haddana ifafaalaha muuqda, ayaa ah inay muddo-kordhin badka soo dhigi doonaan, balse waxa aan la hubin muddada ay komishan ahaan qabsan doonaan si ay u muddeeyaan waqtiga doorashada ee cusub.

Kadib kulankan maanta, ayaa la filayaa inay komishanku fadhiyo kala duwan la yeeshaan golaha guurtida iyo ururrada kale ee bulshada, waxana ay hor dhigi doonaan muddada ay doorashadu dib u dhacayso iyo asbaabta ay daliishanayaanba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here