Xukuumadda Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Dhammaystirtay Diiwaangalinta Hantida Danta Guud + Digniin Ay Soo Saartay
“Madaxweynaha Somaliland Guriga Uu Ku Jiro Xataa Waanu Diiwaangalinay, Cid Aanu Dhaafnay Ma Jirto Wixii Hadhay Ama Kiro Haloogu Jiro Ama Sifo Kaleba Haloo Isticmaalee Dhici Mayso In Guri Dawladeed Cid La Siiyo” Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryaynta Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale “Qambi” ayaa shalay waxa uu hortagay gudida joogtada ah ee golaha Gurtida Somaliland, Isagoo uga warbixiyay hawlaha wasaarada iyo halka ay marayso diwaan gelintii hantida danta guud ee dawlada.
Dhinaca kale Wasiirka hawlaha guud ayaa waxa uu sheegay in ay diwaan geliyeen guriga Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay soo celinayaan suuqii inji oo qaybo ka mid ah la iibiyay.
“Madaxweynaha Somaliland guriga uu ku jiro xataa waanu diiwaangalinay. cid aanu dhaafaynay ma jirin, cid sidata oo na tusta waraaq lagu siiyay oo madaxweynuhu ku saxeexan yahay maahane.” Ayuu yidhi Mr. qambi
Wasiir Qambi waxa qiray inay jiraan dhul ama hanti dawladu lahayd oo la iibiyay, oo waxaanu tusaale ugu soo qaatay hangarada sariibada Inji oo gacanta dawladda ka maqan oo qaybo kamid ah la iibiyay, isla markaasina uu sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii loogu soo celin lahaa dhulkaasi gacanta dawladda. “kuwo la iibiyay way jiraan. Kuwo dad la siiyay oo dadkii la siiyay ay iibiyeen baa jira oo Berbera ayaa ka mid ah, Hargeysana way jiraan oo waa bakhaarada suuqa Inji iyo ADC isugu jira, qaarkood waa la iibshay oo gacanta dawladda waa ka baxeen. Ayuu yidhi wasiir Qambi, waxaanu intaasi ku daray “laakiin wixii kale ee hadhay ama kiro haloogu jiro ama sifo kaleba haloo isticmaalee, imika wixii ka dambeeyay dhici mayso in guri dawladeed cid la siiyo, cid dambena meel dawladdu leedahay lagu bixinayn arrin kale oo xaga dawladda ka yimid.” Ayuu yidhi
Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in inta badan dhibaatooyinka ay dawladdu kala kulanto dhulka danta guud ah uu yahay mid inta badan kaga yimaada dawladdaha hoose ee dalka. “wasaaradda waxbarashada ayaa kamid ah meelaha nala soo hadlay ee cabanaya. Waxa sababayna waxa weeyi dhismaha iskuullada dawladda ayaa waxa lagu dhajistaa waxyaabo kale.”
Ugu dambayn wasiirku waxa uu digniin u diray cidkasta oo gacanta ku haysa dhul dan guud ah oo dawladdu leedahay, waxaanu tilmaamay inaan la iibin Karin sifooyin kalena loo isticmaali Karin, “waxaanu leenahay xitaa dhukka bannaan lama dhisan karo, ka guri dawladeed ku jira ee yidhi waxaan ka dhaxlay Siyaad barre, qaar badan oo sidaa na yidhi baanu aragnaye, ama Ingiriis baa lahaa ama Siyaad Barre lahaa waxaan leeyahay cid dhaxli karta iyo cid iibin karta iyo cid sikale u isticmaali karta dawlad iyo shacabtoona maanta wixii laga bilaabo ma jirayso.” Ayuu yidhi wasiir Qambi