“Waxaad Moodaa In Dadkii Qolo-Qolo Loo Kala Saarayo Oo Qaar Aan Ku Jiro Farta Lagu Fiiqayo, Laakiin Dhawr Iyo Tobanka Cisho Ee Hadhay Haddaan WADDANI Ku Biiro Hayb Ayay Noqonaysaa” -Badhasaabkii Habeen Hore Xilka Laga Qaaday
Hargeysa (Hubaal)- Sida xalay lagu baahiyey mareegta wararka ee Somalilandrise.com Guddoomiyihii uu habeen hore Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday ee gobolka Maroodijeex Mustafe Cabdi Ciise ayaa soo dhaweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey isaga oo ka xog warramay sooyaalka ay soo wada mareen madaxweynaha iyo xilligii uu xisbiga KULMIYe kamid noqday. Mustafe Shiine waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu abaal ugu hayo in uu saaxadda xukuumadiisa ku soodaro iyo in uu afartii sanno ee u dembeeyeyba la soo shaqeeyo waxaanu haba yaraatee meesha ka saaray in haddii xilkii laga qaaday uu xisbi kale u digorogtay isaga oo nacasnimo ku sifeeyey in uu qabyaallad ka raaco madaxweyne Siilanayo iyo xisbiga KULMIYEba.
“Madaxweynuhu wuu iga qaaday xilkii aan qaranka u hayey oo isaga ayaa ii igmaday markii hore waana sune distoori ah in madaxweynuhu xil magacaabo oo xilna ka qaado, waxaan la shaqaynayey madaxweynaha illaa afar sanno oo aan badhasaab ahaa, xisbiga kulmiye ayaan ka tirsanaa oo isaga ayaaba inta uu yeedhay iga igmaday inaan noqodo ololaha gobolka sanaag aniga oo ah nin suxufi ah oo aan sharci ahayn hadana waan ka ogolaaday.
ka dibana waxa aan xidhiidhiyey bukhaari xidhibaanka iyo dhaadheere ayaa ku yidhi ssanaag shine looga maarmi maayo na raaci oo maxamuud xaashi ayaa la fadhiyey, madaxweynaha taariikhda leh inuu istiqaalad iga aqbalo hadana I magacaabo oo hadana iga qaado sharaf ayey ii tahay inta uu joogo iyo marka uu ka tagaba waxa ay ii tahay shaqsiyan abaal uu aniga ii galays ahartiisa ayaan hayn doona waanan soo dhawaynayaa inuu xilka iga qaado, waxaad moodaa in dadkii qolo loo kala saarayo oo dad aan ku jira la sheegayo inay iska casilayaan, anigu ismaan casilayn mana ahayn xilka uu madaxweynuhu ii magacaabay nin ka tegaya oo dawladda daacad ugu shaqaynaya inta ka hadhay ee dhawr iyo toban cisho isku casilaya ee waddani ku biiraya nin hayb ayey noqonaysa, sharaf ayaa iigu jirta inuu madaxweynuhu I casilay.
dadka nagu eedaynaya inaanu is casilayno waana dad doonaya inay murashaxa kulmiye ridaan oo kalsooni darro ayaa lagu ridayaa oo reerkiisa ayaa lagu hallaynayaa rag leh waa nala handidayaa ayaa jira waana wax na soo gaadhaya weeyaan arrimahaasi, xisbiga kulmiye Golaha dhexe kuma jirin oo qayb kuma lahayn xilka madaxweynuhu ii dhiibay ayaan ku ahaa kulmiye laakiin hadda waan madax banaanahay laakiin weli waan fikirayaa waana la ila soo hadlayaa, Dagaalkii Sokeeye waan joogay oo weriye ayaan ahaa maanta reerkaygii oo doorasho ku jira qabyaalad ku raaci maayo waxaanad mooddaa in iyada oo doorasho la doonayo dadkii qolo qolo loo qaybinayo”