Somaliland waxay qaadatay hab dawladnimo oo ku dhisan nidaamka madaxtooyada (Presidential System ), nidaamkani waxa uu ka kooban yahay sadex dhadhaar oo kala ah fulinta (executive branch), sharci dajinta (legislative branch) iyo garsoorka (judiciary branch) sadexdan oo la isku yidhaa waaxaha qaranka (national branches) waxa midkastaa leeyahay awood ugaar ah oo dhameystir u ah mid ba midka kale, sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waa waaxo kala madaxbanaan balse ay ka dhaxayso is xakamayn iyo isdheelitirid (check and balance), taas oo macnaheedu yahay in waaxba waaxda kale ay u tahay sida muraayada aynu wajiga ku eegno subaxdii oo kale taas oo inoo kala sheegta hadii aynu wajiga wax nusqaan ah ku leenahay iyo hadii uu nadiif inoo yahay. Tusaale: waaxda fulinta ayaa ah cidda qaranku u wakiishay fulinta adeegyada lagu ilaalinayo nolosha muwaadinka oo ay ugu horeyso nabad galyada iyo awood siinta iyo dejinta qiimaha shilinka wadanku leeyahay (stabilization local currency value), si loo kordhiyo awooda wax iibsi ee muwaadiniinta (promotion of local purchasing power), waaxda fulintu waxa sida muuqata ay ku fashilantay mid ka mid ah waajibaadkeedii aasaasiga ahaa kaas oo ah ilaalinta qiimihii shilinka Somaliland, akhriste arrintani waa dhacdo xanuun badan oo ku habsatay noloshii danyarta, noloshii shaqaalaha dawladda noloshii qofka caadiga ah, waxa abuurmay sixir barar aan noociisu hore inoo soo marin waxa qirin qiir gashay noloshii bulshada, haddaba su’aashu waxay tahay haddii waaxdii fulintu ay gabtay xilkeedii dastuuriga ahaa qaybta ugu wayni ka noqotay sixir bararka yaa bulshada matala oo ay tahay in ay faro galiyaan xaaladda sida muuqata aan ka soo raynta lahayn ee dalku marayo, jawaabtu waa cadaan akhriste Somaliland waxay leedahay gole baarlamaan oo laba aqal u sii qaybsan waa aqalka guurtida iyo aqalka wakiilada waxaana afka qalaad loo yaqaan (bicameral) ama (two house representatives), labada aqal ayay maanta hawshu u taalaa mar haddii waaxdii sadexaad ee fulintu ay ka seexatay shaqadeedii bulshadiina u daldalan tahay
Akhriste, sida aan wada ognahay bulsho weynta reer Somaliland waxay hadh cad doorteen madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen si ay isugu kaashadaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ku gudban horumarka umada, haddaba waxa iswaydiintu tahay intee in leeg ayaa madaxweynihii la doortey xogogaal u yahay xaaladda dalku marayo, waxa caqliga wanaagsani ku siinayaa indhaha umadana aan ka qarsoonayn in madaxweynihii la doortey aanuu awoodi Karin in uu saacaddo badan u huro furdaaminta xaaladaha cakiran ee wadanku marayo waxaana daliil inoogu filan in go’aanadii ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ee lagu xakamaynayay sixir bararka iyo qiima dhaca shililka wadank aan cidiba dheg jalaq u siinin inkastoo xeel dheerayaasha dhaqaaluhu dhaliilayeen nidaamka loo maray go’anadaas kaas oo u muuqday in xukuumadu door ku yeelatay tartarnka ganacsatada waawayn.
Markay halkaa talo marayso waxa waajib dastuuriya ku ah labada gole qaran in ay soo faro galiyaan xaaladdan aan loo sii adkaysan Karin ee wadanku marayo.
Somaliland waa dal leh dastuur ku dhisan rabitaanka shacabka, sidaa darteed, waxa jira sababo dastuurku tilmaamay oo madaxweynuhu uu xilka ku banayn karo, maantana waxa inoo muuqda in hadal hayn badani ka taagan tahay awooda iyo caafimaadka xil gudasho ee madaxweynaha sidaa darteed waxa Somaliland dani ugu jirtaa in laga xoroobo nugaylka iyo baqaha ay abuurayaan kooxda yar een cid dooratay jirin, madaxweyne siiraanyo sida uu khudbadihiisa ku sheego maaha sida hogaamiyayaasha uu kursi jacaylku indho tiray ee waa hogaamiye leh ku dhac iyo geesinimo uu ku qaadan karo go’aan iscasilaad ah si dalka looga badbaadiyo kooxda yar ee sida qaldan uga faaidaysanaysa.
Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto waxa khatar ku jira tacabkii lala soo kacaa kufay ee dhismaha qaranka waxaanay sumad xun ku noqon doontaa taariikhdii dheerayd ee lama iloobaanka ahayd ee madaxweynuhu uu u soo marey dalka
Tallobixin.
Labada gole qaran waxa la gudboon xaalad kasta oo dalku uu marayo in ay ka gutaan waajibkooda dastuuriga ah
Shacbi weynahana waxa la gudboon in ay tilmaamaan xaalad kasta oo wadanka ka jirta iyagoo u maraya dariiq kasta oon ka hor imanahayn shuruucda qaranka
Xisbiyadaa mucaaridka ahna waxa waajib ku ah in ay buuxiyaan doorka ay qaranka ugu jiraan
Xukuumadu waa in ay qirataa fashilka maaliyadeed ee jira. (Arrintaas oo dunida horumartay ay u taqaano guul markay ay qirtaan wixii ka fishilma), maragna waxa u ah in wakhtigii xukuumadda kulmiye talada ku guulaysatey June 2010 ay lacagta Somaliland u wayneyd shanta boqol maanta oo wakhtigu ka dhan yahay todoba sanno ka dibna waxa u yar shantii boqol ee shilin 500 Shilling.
W/Q Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)