Maareeyaha Madbacadda Oo Ka Garaabay War HUBAAL Ka Qorey Shaqada Xafiiskiisa Oo Hakad Ku Yimi

0
35

“Ninka Markaad Nabar Ku Dhufatid Haddaad Mar Labaad Ku Dhufatid Dee HUBAALeey Mar Saddexaad Looma Celiyo”

 Hargeysa:(Hubaal)-Maareeyaha Madbacadda qaranka Md Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey), ayaa si weyn cabasho uga muujiyey warar ka dhan ah shaqadiisa iyo xafiiska uu maamulo oo dhawaan kusoo baxay Wargeyska Hubaal, kuwaas oo muujinayay hoos udhac ku yimi Hawlaha madbacadda qaranka.  Maareeyaha oo arrintan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay xaruntiisu ku qabtay, ayaa dalbaday in wixii warar ah ee arrimaha madbacadda ku saabsan xidhiidh lagala sameeyo, isagoo warbaahinta kalena uga digay inay Xigashada ku deg-degaan “Anigu, Ma ihi dadka siyaasadda ku cusub ee marka wax laga sheego qayliya” sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Carey, waxaana uu intaa ku daray maareeyaha madbacada“waa inaad heshaa toban siidhiga kuu garaaca iyo Toban kugu garaaca, [sidaas darteed] anigu iga daaya [warbaahintaay] idin ma lihi, oo metelan haddii [Wargeyska] HUBAAL wax iga qoro, waa in uu ii kaalayaa oo waxaas baa maareeye lagaa qoraye maxaa ka jira aad igu tidhaahdaan”. Ayuu yidhi Maareeye Carey. Waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaa kuladhay jiritaanka war ku saabsanaa hoos u dhaca shaqada xafiiskiisa ee uu hore u qoray Wargeyska HUBAAL, kaas oo Mr. Carey uu qiray sugnaanshaha warkaas oo ku saabsanaa hakad galay agabka lagama maarmaanka u ah madbacada shaqadeeda waxaana u yidhi “Qoladii wax naga qortay Ee HUBAAL waxaa hadalladoodii kamid ahaa alaabtii baa madbacadda ka go’day, waan u mahad-naqayaa, waxayse ahayd inay laba maalmood na sugaan, waayo Alaabtu waa go’daa laakiin muhiimaddu waa in lasoo iibiyo uun”. Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha madbacaddu isaga oo HUBAAL ka codsaday in ay hoos u eegaan wararka ka dhanka ah isaga ee ay baahinayaan, waxana uu yidhi “HUBAAL mar hore ayey I maageen markanina waa marlabaadkii, laakiin Ninka markaad mar Nabarka ku dhufatid HUBAAL-eey, dee mar labaad looma celiyo, Haddaad u celisana mar saddexaad looma celiyo”. Ayuu yidhi Cabdillaahi Axmed Carey, Maareeyaha madbacadda qaranku.   Adeegan Madbacaddu ay bixiso ayaa qaranka Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn, isaga oo halbowle u ah hab sami u socodka nidaamka dawladeed ee u degsan qaranka. Waxaana hadalkan maareeye Cabdillaahi Carey uu ku soo beegmay xilli ay  hawl-wadeennada madbacadda oo ah mishiinka dhaqaajiya daabacadda iyo diyaarinta dhukumentiyada qaranku leeyahay ay marar kala duwan guux ka muujiyeen caqabado iyo cabashooyin ay ka tirsadeen maamulkooda, kaasi oo ay dhibaato ka muujiyeen  darxumo ay sheegeen in ay ku qabaan maareeyaha oo daryeelkii ay hore ugu qabeen maamulladii ka horeeyey uu maalinba maalinta xigta meesha kasii baxayo. Maareeye Cabdillaahi Axmed Carey oo xilka maareeyenimada madbacada qaranka hayay muddo saddex sanadood ka badan isaga oo xilka la wareegay 31-kii bishii saddexaad ee March ee sanadkii 2012-kii waxa ay shaqaaluhu ku hungoobeen waxtar iyo daryeel ay shaqaale ahaan iyo agab ahaanba  uu  u ballanqaaday maalmihii uu xilka la wareegay kuwaas oo haddii ay ka hadlaanna sheegeen inay ka cabsadeen in uu awoodda  xafiiskiisa u adeegsado oo uu caydhiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here