“waxaan ku sifayn karaa hoggaamiye soo kacaya, isagoo 15 jir ah ayuu shaqada ila bilaabay, oo Wuxuu ila shaqaynayay muddo 8 sanno ah, [waxaanu] ilaahay siiyay hibooyin badan oo aan ka xusikaro qoddobadan” –Cabdi Yuusuf Aar, Maareeyaha Shirkadda Daabacadda xayaysiisyada ee shirkadda Sagal jet
Maareeyaha SAGAL JET Oo Ka Hadlay Sifooyinka Shakhsigii Ku Guulaystay Billada Shaqo-wanaagga Ee Shirkadda Iyo Nuxurka 10 Qoddob Oo Uu Ku Mutaystay
“Saleebaan Axmed Cabdillaahi oo ku guulaystay shaqaalihii sannadka (employee of the year) Waaan hambalyaynayaa waanan u ducaynayaa. Saleebaan waxaan ku sifayn karaa hogaamiye soo kacaya. Wuxuu ila shaqaynayay muddo 8 sanno ah isagoo 15 jir ah ayuu shaqada ila bilaabay ilaahay wuxuu siiyay hibooyin badan
Waxaanan ka xusi karaa qodobadan:
10 qodob oo qofkii kasta ee sameyaa uu guul gaadhi karo.
1.Daacad: waa nin daacad ah oo ay u kala soocanyihiin wixiisa iyo waxa dadku
- Hawl kar: waa nin shaqada loo diro ama uu hayo aaad kaga seexanayso oo runtii u guta shaqada si hufan oo karti leh
- Himilo leh: Waa nin garanaya halka uu u socda hiigsina leh
- Run sheeg: Hadii ay mur ka qadhaadhay waa nin runta ku rafta oo hadalkiisu suganyahay.
- Go,aan qaadasho leh: isma laha da,adiisa iyo go,aamada uu qaato (decisive person) waa nin go,aan qaadasho leh oo hibo u leh in uu laba daran mid dooran karo.
- Hogaamin (leadership) wuxuu leeyahay hibo ah in uu wax hogaamin karo oo runtii ah arin muhiim u ah nolosha iyo maamulka.
- Wakhtiga ilaaliya: Sideed sanno oo uu ila shaqaynayay waa ninka aanan arag isagoo shaqada ka habsaamay xiitaa hadii uu xanuunsanayo hadii la isku celceliyana waligii kamuu maqnaan shaqada 10 cisho mudadaas tobanka sanno ahayd.
8: Xidhiidhkiisu fiicanyahay: Waa nin xagga communication skills-ka ku fiican oo telenkiisa marwalba la heli karo isaguna dadka xidhiidhiya.
- Jecel in uu wax korodhsado: willing to learn, had iyo jeer waxaad arkaysaa isagoo aqoon korodhsanaya
10; Qodobka ugu muhiimsan ee waxa oo dhan isku fuuqsaday waa in uu yahay nin cibaado badan oo salaad xafid ah kuna xidhan ilaahay.
Waxaan qodobadan aan Saleeb ku sifeeyay aan uga dan leeyahay in ay ka faa,iidaystaan sifooyinkaas fiican ee aan isleeyahay horumar waa lagu gaadhi karaan dadka raba inay nolosha horumar ka sameeyaan.
Allaa Mahad leh
Cabdi Yuusuf Aar
CEO, Sagal Jet