Maareeyaha TV-Ga Qaranka iyo la taliyaha Madaxweynaha ee Hayádaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ah Oo Kasoo Dhex Muuqday Munaasibad Loogu Wanqalayay Urur Danaha SUBEER AWAL Ka Talin Doona oo loogu magac daray Jiidali

0
26

Hargeysa(Hubaal)Munaasibad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Beelaha Subeer awal isla markaana loogu wan qalayeen Urur ka taliya aayaha reerkaasi oo ay yeelan doonaan ayaa xalay ka qabsoontay Hotel CROWN Ee Magaalada Hargeysa.
Dhalinyaro tiro badan oo dareenka shucuurtooda laga dheehan karo sida ay uga midaysan yihiin inay isku raacan gacmahana isku qabsadaan urur ka talin doona ayaa beeshaasi ayaa munaasibadan kasoo qayb galay.

 

92423315_el7wt_14045200312
Xafladan ayaa Waxana intabadan lagaga Xog waramay ujeedooyinka ururkani loo aasasay oo ay dhalintani ku sifeeyeen inay kaga duulayaan sidii looga midha dhalin dhalaaha qorshayaasha inbadan oo kamid ah maxsuulkii shirarka Hoodaale Iyo Daniyo Duco.
Sidoo kalena Waxay dhalinyaraddani iftiimiyeen Tacadiyo fara badan oo ay ka beel ahaan ka tirsanayaan Xukumadda Madaxweyne Silaanyo hogaamiyo iyagoona Sharci daro ku tilmaamay Xadhiga wasiir Ku Xigeen Kii Hore Amniga Oo Xabsiga Ku jira.
Hadaba waxa maqudha munaasibadaasi kasoo dhex muuqday Mareeyaha TV-Ga qaranka Khadar cali gaas oo meel dambe Oo hoolka Xafladu Ka Socoto ah soo faadhiya Dhalinyarada munaasibadani ka gilgishay una arkay faragelin Dhanka xukumadda Ah imanshaha munasibadan Ee Khadar Cali Gaas

 

44
Gudomiyaha Dhalinyarada Beelaha Subeer awal oo Waraysi Khaas ah Siiyay Oodweynenews Ayaa xaqiijiyay inanay wax casumaad ah ugudbin Mareeye Gaas aysan saxaafad ahaan soo dalban shaqaale ka tirsan TV-Ga qaran hadiiba lo turjaman lahaa In ku yimi Magac warbaahineed.
Gudomiyaha ayaa sheegay inay markeliya Goobta ku dhex arkeen Mareeye Gaas oo kasoo dhex muuqday sidoo kalena waxa uu carabka ku dhuftay inay intii xafladaasi socotay ay jireen dhaqdhaqaaqyo farabadan oo lagaga soo dhex galay Munaasibada .
Geesta kale warbaahinti Madaxa banaanayd ee goobta ku sugnayd ayaa isku deyey inay maareeyaha su’aalan sababta keentay inuu kasoo dhex muuqdo munaasibad inteeda badan lagu naaqishayay dhaliilaha iyo gol dalooliyin beeshani ka tirsanayso xukumadda Isla markaana Urur ayaahe Reernimo ka talinaya Loogu wan qalayay ayaa Ka Gaabsaday inuu ka Hadlo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here