“Waxaan Aad Ugu Mahad-naqayaa Maareeyaha Xidhiidhka WFP Oo Ka Shaqeeyay Sidii Gaadiidka Hay’addu Bixisay U Soo Gaadhi Lahaa Xukuumadda.” Madaxweyne Ku Xigeenka JSL C/raxmaan Saylici
Hargeysa (Hubaal) – Maareeyaha Qaranka Somaliland u qaabilsan Xidhiidhinta Hay’adda WFP Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa Xukuumadda ku wareejiyey Lix Gaadhi oo Hay’adda WFP u soo marisay Laamaha Dawladda ee ay wada shaqeynta leeyihiin.
Munaasibad lagu qabtay Doraad Barxadda hore ee Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa Maareeyaha Dawladda Somaliland u qaabilsan Xidhiidhinta Hay’adda WFP uu Madaxweyne ku-xigeenka oo Matalayey Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda ku wareejiyey Lix gaadhi oo WFP bixisay kuwaasi oo Madaxweyne ku-xigeenkuna mid mid u guddoonsiiyey Hay’adaha Dawladda ee loogu talo-galay.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, oo markii uu Maareeyaha Xidhiidhka WFP ka guddoomay Gaadiidkaasi hadal ka jeediyey Madashaasi, ayaa WFP uga mahadnaqay deeqdaasi, waxaanu raaciyey ereyo ay ka mid ahaayeen “WFP muddadii ay Somaliland jirtay waa hay’adda aanu wada shaqaynta xoogga ah leenahay, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqaynaa masuuliyiinta WFP iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Qaranka, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo dhamaantoodba ka hawlgalay sidii Gaadiidkan WFP bixisay u soo gaadhi lahaa Xukuumadda Somaliland.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu intaa ku daray, “Gaadiidkan deeqda ah oo dhan lix gaadhi oo ay muddo kooban isticmaalayeen, iyadoo markii hore ay caado u ahaan jirtay in marka ay gaadiidkaa muddo isticmaalaan ay dib u iibin-jireen oo ay xaraashi jireen, hase ahaatee sanadkan ay garteen in duruufihii dalka ka dhacay awgeed ee abaaraha ay garteen in Wasaaradihii ku hawlanaa inta badan abaaraha inay ugu deeqaan.”
Hay’adaha Dawladda Somaliland ee Gaadiidkan uu Madaxweyne ku-xigeenku ku wareejiyey, ayaa waxay kala yihiin, Wasaaradaha Beeraha, Maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka, Hay’adda ka hortagga aafooyinka dabeeciga ah (NERAD) iyo gudidda gurmadka abaaraha.
Munaasibadda Gaadiidkan lagula kala wareegay waxa ku sugnaa madaxa WFP xafiiskeeda Somaliland Mr Achille Aka.