Maareeye-ku-xigeenkii Muqdisho U Shaqo Tegey ee SLNTV Oo Ku Guulaystay  Xubinnimada Aqalka Sare ee Dalkaas

0
53

Waxaa Uu Sheegay In Uu U Tartami Doono Kursiga Shirguddoonka Ee Golaha Aqalka sare ee Dalka Soomaaliya

 

Muqdisho(Hubaal)- Mustafe Maxamuud Qodax, ayaa ku guulaystay xubinimadda aqalka sare ee dalka Soomaaliya, waxaanu  kaga guulaystay aqlabiyad murrashaxii kula tartamayay kursigaasi oo magaciisu ahaa Maxamed Axmed Xasan. Doorashadda aqalka sare ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland oo maanta ka qabsoontay magaaladda Muqdisho, waxa doorashadda kursigaas ka soo xaadiray ergo tiradoodu tahay 44 ergo, waxaanu Mustafe Maxamuud Qodax helay 42 cod, halka murrashaxii kula loolamayayna uu kasbaday hal cod oo kaliya. Waxa kaloo xumaaday hal cod oo kale Mustafe Maxamuud Qodax, ayaa u mahadceliyay ergadii dooratay, waxaanu  Gudgudenews u sheegay inuu u tartami doono gudoomiyenimada aqalka sare ee Soomaaliya. Mustafe Maxamuud Qodax, waxa uu Somaliland uga soo qabtay xilal kala duwan oo ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarrada iyo ciyaaraha iyo Maareeye Ku-xigeenka TV-ga Qaranka.

Xigasho: Gudgude

mustafe qodax

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here