Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa digreeto Wasiir oo uu maanta soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil. Waxaanu magacaabay maareeye cusub.
Sidaasna waxa uu Wasiirku ku bayaamiyay digreeto uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxaanu Mudane Saleebaan Siciid Cali u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusubHaamaha Shidaalka Berbera.
Digreetadda Wasiirka Ganacsigu soo saaray oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-
“Aniga oo kaaga mahadnaqaya Mudadii aad xilka haysay, laga bilaabo maanta 00 ay taarikhdu tahay 15/05/2014 waxaan kaa qaaday xilkiii aad haysay ee Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.
Sidaa daradeed, Waxaan ku farayaa inaad sida uu yahay nidaamka dawligu aad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aan xilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.”