Maayar Cago-weyne Oo Sheegtay Shaqadii Waaxda Socdaalku Qaranka Ugu Magacownayd.

0
43

“Hutel kasta iyo albeerko kasta oo la seexdaa waxa ay ku amran yihiin dadka seexanayaa sharciyadda ay haystaan, cidda ay yihiin in mid walba xidhiidhkiisa laga helo…..”  Maayar Cago-weynecagawayne

Hargeysa:(Hubaal)-Ku-xigeenka Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdicasiis Cagoweyne, ayaa faraha la galay arrimo ka baxsan shaqadiisa, waxana uu amar ka baxsan hawlihiisa iyo awooddiisa shaqo dusha ka saaray huteelada la seexdo ee caasimadda Hargeysa.

Maayar-ku-xigeenka oo hadal ka baxsan shaqada loo igmaday ka jeedinayey madal masuuliyiinta ammaanka dalka qaabilsani xaadir ku ahaayeen, ayaa markali ah u hadlay sidii uu yahay taliyihii laanta socdaalka, waxana uu Huteelada la seexdo ku amray inay hubiyaan cidda ay huteeladooda seexinayaan.

Maayar-ku-xigeenka oo ay badiba dayacan tahay shaqadii uu qaranka u hayey ee bilicda iyo nidaamka liita ee caasimadda la xiddhiidhay, ayaa hadalkan yaabka badan kaga tiraabay madashaas, “Anigoo ah ku-simihii duqa caasimadda Guryaha la kireeyo, hutellada la seexdo, hutel kasta iyo albeerko kasta oo la seexdaa waxa ay ku amran yihiin dadka seexanayaa sharciyadda ay haystaan, cidda ay yihiin in mid walba xidhiidhkiisa laga helo oo uu ogyahay ninka hudhelkiisa seexanaya.Istaamada Gaadiidka waxa gaadiidkasta looga baahan yahay cidda raacaysa iyo cidda baxaysaba in lala socda ayaa loo baahan yahay,”ayuu yidhi Maayar Cago-weyne.

Caasimadda Hargeysa, ayaa ku jirta heerkii ugu liitay ee biliceed tan iyo intii saddex sano ka hor loo doortay golaha deegaanka, waxana xildhibaanadu haatan u kala dheereeyaan Balloodhada iyo Beeraha caasimadda ka baxsan ee la qorshaynayo, waxana meesha ka baxday shaqadii ay gudaha caasimadda ka hayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here