Maayar Ciddin Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Dhawaaqii Dhawaan Kasoo Baxay Xisbigii Uu Kasoo Baxay Ee UCID

0
43

maayerka-berbera-cabdishakuur-maxamuud-xasan-cidin-2016

Hargeysa:(:(Hubaal)-Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera Md.Cabdishakuur Maxamuud Ciddin, ayaa ka fal-celiyey dhawaaqii dhawaan kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu hore uga soo baxay, waxana uu sheegay inay haboon tahay in shuruucda dalka la ixtiraamo.

Guddoomiye Ciddin oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaanay xisbiyadu awood u lahayn inay faro gelin ku sameeyaan xildhibaanada magacooda kusoo baxay, isla-markaana haddii uu xildhibaanku aragtidooda ku qanci waayo aanay gacanta la galaan, waxana uu yidhi, “xisbiyadu iyagu doorasho kuma laha goleyaasha deegaanka oo ma magacaabaan oo kanaa na adeeci waayaye kan ayaanu geynaynaa ma yidhaahdaan, waana hay’ad dhan oo nidaam ay ku shaqayso leh.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay jiraan shuruuc iyo nidaam loo raaco xildhibaankii xad-gudub lagu arko, shaqadaasina u taallo hay’adaha sharciga ee dalka,“xubinta gole-deegaan ama maayar ha ahaado ama xildhibaan caadi ah ha ahaadee waxa uu leeyahay nidaam sharci oo looso maro, hay’adaha sharciga ah ee dalka u yaallaana sida ay ku talinayaan”ayuu yidhi Cabdishakuur Ciddin.

Dhawaan ayey ahayd markii uu xisbiga UCID ku goodiyey inay xildhibaanno cusub ku buuxsan doonaan kuraasida xildhibaanno goleyaasha deegaanka ee goobo badan oo dalka kamid ah ugu soo baxay, kuwaas oo ku biiray xisbiga KULMIYE, ilsa-markaana ay xubno ka ahaayeen maayarrada Gabiley iyo Berbera.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here