Hargeysa(Hubaal):-Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, xubno ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo xubno kale ayaa maanta soo dhaweeyey wafti balaadhan oo ka socday dalka Sweden oo uu hogaaminayo xoghayaha dawlada hoose ee caasimada wadanka Sweden ee Stockholm.
Waftiga ka socda dalka Sweden oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo wehelinaya xubno ka mid ah jaaliyada somaliland ee dalka Sweden kuwaas oo ka soo shaqeeyey safarka ay dalka ku yimaadeen waftiga ka socda dalka Sweden.
Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo waftigan ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxa uu ka hadlay sida uu arko waftigan ka socda dawlada hoose Stocholm ee caasimada wadanka Sweden, waxaanu tilmaamay inuu soo dhawaynayo waftigan isla markaana rajaynayo inay wada shaqayni dhex marto, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “waxa maanta noo farxad ah inaanu halkan ku soo dhawayno waftiga ka socda dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm ee u hogaaminayo xoghayaha dawlada hoose ee Stockholm ee ay wehelinayaan xubnaha kale iyo wakiilada jaaliyada somaliland ee dalkaasi, waxaanan jaaliyada uga mahad celinayaa sida ay uga soo shaqeeyaan sidii loo samayn lahaa xidhiidhka u dhaxeeya labada magaalo.”
Maayarka caasimada Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay xoghayaha dawlada hoose ee Stockholm ku soo dhawaw magaalada Hargeysa, waxaanu samayn doonaa kulamo badan iyo warbixino badan oo la xidhiidha mataanaynta labada magaalo iyo wada shaqaynta.” Ayuu yidhi maayarka caasimada Hargeysa.
Sidoo kale waxa ujeedada safarkooda ka hadlay xoghaya dawlada hoose ee magaalada Stockholm Lors Rash ee dalka Sweden waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka caasimada somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan aad ugu faraxsanahay inaanu marti qaad ka helno caasimada hargeysa dad badan ayaana jeclaa inay yimaadaan, waxaanan u mahad naqayaa maayarka hargeysa iyo dadkii kale ee ka soo shaqeeyey safarkayaga, waxaanan kulankan si wanaagsan uga soo shaqeeyey jaaliyada somaliland ee dalka Sweden, waxaana nala socda dad badan oo reer somaliland oo si firfircoon uga dhex muuqda dalka Sweden, waxaanan rajaynaynaa inaanu kaalin weyn ka gaysan doono wixii anu la qaban karno dawlada hoose ee Hargeysa, waana iskaashi labada dhinac oo aanu rajaynayno inuu noqdo mid ay labada dhinacba ka faa,iidaan.”ayuu yidhi xoghahaya dawlada hoose ee Stockholm oo waftigan hogaaminayey.