W/Q: Maxamed Xuseen Jaamac (Maxamed-roodhi)
Sida aynu la wada socono Maayer Abdirahman Soltelco iyo Mayer ku Xigeen caasimadda Dalka oo si aqlabiyad ah loogu doortay inay hogaamiyaan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa iyo Goloyaasha Deegaanada ee Gobolada dalka oo idil 2012, Waxaanay si habsami leh ula wareegeen Shaqadii Casimada oo aad u balaadhan baaxadeedana leh , waxay bilaabeen inay dardargaliyaan dhammaan shaqaale waynihii Dawlada hoose , waxay ku dhaqaaqeen maamul daadajin Iyo inay hirgaliyaan Shaqaale tayo leh oo laga soo qaatay Ardayda Jaamacaddaha Dalka Dhamaysatay , waana habka maamul wanaag . Waxay bilaabeen inay Degmooyinkii Caasimada U sameeyaan hab wada shaqaynayd , waxay isku shaandhayn ku sameeyeen dhamaan waxaha Dawlada hoose ka hawl gala , Waxay qabteen khalfadhigii ugu horeyey oo ay dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyeen Xeerarka Dawlada Hoose , waxaanay ku ansixiyeen goobtaa In wax laga qabto , Wadooyin Dalka oo ay ugu horeyso wadada wadnaha ee dhex marta badhtamaha Caasimada Dalka Iyo Qaabaynta Caasimada oo ay ugu horeyso , Nadaafada Iyo in la baneeyo Wadooyin Xidhan , Waxaana la odhan karaa way ku guulaysteen wax badan. Khalfadhigii labaad na waxay ku ansixiyeen inay wax ka qabtaan oo ay dib u habayn balaadhan ku sameeyan Wadada Ka timaada Madaarka Caasimada ilaa Saldhiga dhexe Iyo Wadada 2aad ee hormarta Jeelka Wayn iyo dhowr wado oo loo qaybiyey Degmooyinka Casimadda oo loogu talo galay in lagu kala fudaydiyo Samxada balaadhan ee ka jirta Caasimadda , hawshaana hada ayaa gacanta lagu hayo laakin waxay u baahan tahay in cagta loo dhigo.

Sanadka 2015 Mayerka iyo Maayer ku Xigeen oo Safaro dhawra ugu Ambo baxay Dalalka Ingiriiska Iyo Sweden , Safaradaasi oo daarna inay Caasimada Hargeisa u sameeyan Mataano Iyo Inay isku xidhaan Caasimadaha horumaray iyo Casimada kobcayaa ee Jamhuuriyada Somaliland , Waxanay la soo saxeexdeen Shrkad ku taala Dalka Sweden oo Samaysa Qalabka laydhadhka ku shaqeeya Cad ceeda oo loogu talo galay Wadooyinka Waawayn Iyo Inshaarooyinka wadooyinka lagu xidho oo ah Hawl fudaydiye baabuurta haga hawshaasina guul iyo farxad ayey ku soo dhamaatay , waxaana xusid mudan in durbadiiba la dardar galiyey Hawlahaas .
Haddaba Maxaa la gudboon Shacabka?.
Inta badan Waxaad arkaysaa dadkii oo u hogaansanayn in wax laga qabto Caasimadda Ama la banneeyo wadooyinka xidha ee shacabku dhisteen Iyo Inay bixiyaan Cashuuraha ku waajibay si wax la inoogu qabto , waxaan shacabka u soo jeedin lahaa in lala shaqeeyo Maayer ka Dalka iyo Maayer ku xigeen ka , Hadii ay ku fashilmaan waxaa ku fashilmay Dhamaan dhalinyarada Reer Somaliland, Markaa waxaa dhalinta la gudboon inay la shaqeeyan Duqa iyo ku xigeenkiisa, waayo cida u baahan in Magaalada Caasimadu u eekato Magaalo qaabaysan oo bilicle , Waa in shacab u hogaansamaan Dawlada hoose.
Qalinkii: Maxamed Xuseen Jaamac (Maxamed-roodhi)
Hargeysa, Somaliland
muhamedamiin@gmail.com
GUJI Halkan Si Aad U Akhrido Maqaalladii Hore Ee Qoraaga Ee Boggan HUBAAL Lagu Daabacay