Maayarka Hargeysa Oo Khudbad Guubaabo Ah U Jeediyay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Sweden

0
45

“Waxaa Niyad-Xumo Igu Beertay Markaan Arkay Hablo iyo Inamo Hantidii Ummadda Ku Soo Tahriibay Oo Aan Maanta Waxba Korodhsan, Aqoon iyo Hanti Toona”

Hargeysa, (Hubaal) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku joogaan dalka Sweden, ayaa kulan balaadhan la yeeshay Jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalkaas, waxaanu ugu baaqay inay noqdaan ku midaysan oo dalkooda wax ku soo kordhiya, isagoo dhinaca kalena warbixin ka siiyay xaaladda dalka Somaliland marayo.

Sawirada Maayarka iyo Jaaliyadda Sweden2Maayarka Caasimaddu waxa uu jaaliyadda Somaliland ee Sweden u sheegay in dalka Sweden ay joogaanba ay u soo tabceen dadkiisu oo ay dhisteen, sidaas si la mid ahna looga baahan yahay in dadka reer Somaliland u soo tabcadaan sidii ay dalkooda u dhisi lahaayeen.

Maayarku waxa uu ugu baaqay jaaliyadda in wixii awoodooda ah ay ka qayb qaataan horumarinta adeegyada bulshadda ee dalkooda hooyo, isla markaana looga baahan yahay in ay hormood u noqdaan sidii loo midayn lahaa bulshadda, waxaanu yidhi “Reer Somaliland guddo iyo dibadba waxa u taalla inay midnimo sameeyaan, idinkuna inaad midnimadaa hormood ka ahaataan, waayo waxaad aragteen dhaqan ah dad wax qabsaday oo wax dhistay, muu tahriibin Ninka reer Sweden ee wuxuu dhistay Dalkiisii, waxaanu ka soo baxay halka ugu hoosaysa ilaa halka ugu saraysa. Waxa wax lagu dhistay cidii dalkan (Sweden) lahayd ayuun baa dhisatay, idinka oo dhaqankiinii eegaya Wadan waliba wuxuu leeyahay marka dhaqaalihiisa la xisaabinayo waxa la yidhaahdo xooga u shaqo tegay ama inta aqoon u doonatay. Idinkuna cidda u shaqo tagtay ayaad ahaydeen, oo inaad aqoon iyo adduunba ku soo kordhisaan waa la idinka fadhiyaa,” ayuu yidhi Maayar Caasimaddu.

Sawirada Maayarka iyo Jaaliyadda SwedenSidoo kale Maayarka Hargeysa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah dadka jaaliyadda ah ee nool dalka Sweden aanay dalkooda iyo lafahooda midnaba waxba ku soo kordhinin, isla markaana iyagoo dhaqaale badan lagu soo bixiyay haddana aanay waxba ka qaban oo ay suuqyadda iska dhex joogaan. “Shaqo la’aanta marka laga hadlayo hantidii ummaddu halkay ku baxdaa? , hantidii Ummaddu waxay ku baxday Inamo badan iyo hablo badan oo maanta taagan meelaha ay ka mid yihiin xaafadaha Stockholm qaar ka mid ah, qaar ka mid ah Jarmalka iyo Wadamo kale oo badan oo Baloodh kasta iyo dhaqaale kasta oo la ururiyo waxa lagaga soo bixiyaa Inan ama Gabadh ka soo dhuumatay Berbera ama Burco oo la yidhi waa la haystaa oo Hooyadood ay ku dul ooyayso qof kasta oo Xaafadooda ka mid ah.”

Maayarka Caasimaddu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in dad lacag adag ku soo tahriibay ay iska dhex joogaan magaalooyinka Yurub, waxaannu yidhi “Nasiib darada dhacday Labadii maalmood niyad xumaan kala kulmay markaan tagay xaafado ka mid ah Magaaladan, waayo Hablihii iyo Inamadii waxaas oo dhaqaale ah lagu soo bixiyay oo Wadooyinka taagan oo aan aqoon doonan, oo aan shaqo tegin waa nasiib-darro ku dhacday dalkeenna.”

Maayar ku-xigeenka Uppsala, Erik Pelling oo abaalmarin guddoonsiinaya Maayarka HargeysaMd. Cabdiraxmaan Soltelco, waxa uu guubaabyay jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan dalka dibadiisa, waxaannu yidhi “Annaga wax qabad badan baa nalooga baahan yahay, idinkana waxa la idinka baahan yahay wixii wax lagu qaban lahaa iyo taakulaadeedii inaad gacan ka geysataan, in badan oo shaqaysanaysa oo wax baratay wey jirtaa, intaa waxaan leeyahay Wadankii bishiiba saacad ka mid ah Wadankii u jara, ama saacadaa waxaad isku daydaa inaad cid wax u weydiiso wax wax lagaga qabo, hadday tahay Cagaf iyo hadday tahay Gaadiid haddii kale oo aanad haleelayn oo aanad bixin karayna saacad aad shaqaysan uun ama Waddooyinka ta aad adigu jeclaato uun saacad ka mid ah wixii aad shaqaysatay maalin dalkaaga ku caawi, saacadaas oo la isku geeyo ayaa wax noqonaya, Dedaalku wuu badan yahay, laakiinse Ummaddi markay dunto ee ay dib u soo kabanayso waxay noqotadaa Ummad is wada gaadhay oo wax isku sheega’iyo oo aan dhakhso wax u kala qaadan.”

Dhinaca kale Maayarka Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo halgan adag u soo galay qaranimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in mucaaridku ay soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo ay bulshada ku kasbadaan. “Xisbinimada waxa ka weyn qaranimada Golaha deegaanka ee aan maamulaa saddexda Xisbiba wuu ka kooban yahay, waxaanan had iyo jeer ku wada shaqaynaa inaanu midnimada iyo danta qaranka ka wada shaqayno isna toosino.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo sida qof kastaaba garanayo maaha Nin kursiga ku dhegaya, waa Ninkii la yidhi 82 cod baa lagaaga helay ee ka tagay ee 8 sanno sugayay, siyaasaduna waxay ku wanaagsan tahay Xukuumaddu inay wax qabadkeeda soo bandhigto Xisbiyaduna ay barnaamijkooda siyaasadeed soo bandhigaan, laakiin in la is caayo ma wanaagsana iyo in la yidhaahdo 26 June hadday gaadho dalku wuu dumayaa wax dumayaa ma jiraan ee intii Ilaalinaysay wey joogtaa,” ayuu yidhi maayarka Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here