“Maayarka Hargeysa Wuu Ka Badheedhay Jidka Madaarka Taga Oo Dhismihiisa Loo Shin-tirinayay, Waxaanu Farriin Soo Gaadhsiiyey Waxgaradka Deegaanka”+SAWIRRO

0
68

“Maayarka Hargeysa Wuu Ka Badheedhay Jidka Madaarka Taga Oo Dhismihiisa Loo Shin-tirinayay, Waxaanu Farriin Soo Gaadhsiiyey Waxgaradka Deegaanka Wadadu Marto”

W/Q: Aqoonyahan Maxamuud Carraale

 

 Kulan xalay ay u balansanaayeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee HARGEYSA, oo la filaayey in uu hormoodka ahaado Mayorka  Casimadda Mr Solteco  iyo Gudida Bilicda Casimadu, iyo  Guddida SAHANBARWAAQ oo ka dhacay Huteel SKY (13/7/2016)  ayaan u qabsoomin sidii la filaayey ka dib markii uu mayarku shirkaa ka raadgatay una baxay dhinaca Arabsiiyo ka dibna Madaxtootadda gaboodka dhigtay.

Waxaa iyana aan goobta iman wasiiraddii ku jiray Guddiga  Bilicdaa Casimadda ee lagu wargeliyey in ay ka soo qaybgalaan shirkaas.

Kulaankaas oo dhinaca Dawladda Hoose ay ka soo qayb galeen agaasimayaal waxeedyo walwaalayaa naqshad ay ku sheegeen in ay tahay Jaan tuskii waddada madaarka oo dhamaystiran ayaa nuhurka fariinta ay Maayarka ka sideen gundhigiisu ahaa wadda dhista xaafadda Koonfurtaay.

Waxaa ay hawlwadeena Dawladda Hoose ku celceliyeen in xaafadu u diyaargarawdo in ay iska soo ururiyaan lacagtii waddada lagu dhisilahaa iyagoo barbardhigay waddo xafadeed uu ka hawlgalay Sheekh Adam Siiro.

100_7147-1024x768Waxaa kale oo ay ku baaqeen in wax garadka xaafaddu ka hawlgalaan banaynta waddada.

Wax garadkii iyo masuuliyiintii SAHAN BARWAAQO ee la kulmay masuuliyiinta naqshadda siday ayeyna u cuntamin baqashadda Mayor ku iyo waxay la shiryimaadeen masuuliyiintii uu soo igmaday in ay u cudurdaaraan isagoo maalmuhu iska khaldameen.

Sidaa la ogyahay waxaa xaafaddaha Koonfurta Hargeisa ka jirta cabashooyin badan oo isgaadhay iyo hagrasho laga tabanaayo Masuuliyiinta Sare ee Dawladda Hoose ee Hargeisa oo uu ugu horeeyo Mayorku iyo kuxigeenkiusu.

CarraaleGudidii SahanBarwaaqo iyo wax garadkii Xaafaddu waxay u sidhiibiin hawlwadeenaddii Dawladda House in kulanka danbe loo balamiyo Guddiga Bilicdaa Magaalada oo ka kooban Marwadda Madaxweyna, wasiirkadda arimaha gudaha, arimaha Dibadda, Maaliyadda, Mayorka Magaalada iyo xubnaha kale ee gudida.

Wax garadka xaafadu waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay soo dhaweynayaa dhismaha wadadan halbowlaha ah lana shaqaynayaan hawlwadeena dhismaha laakiin in ay waddadu ( 6KM) dhaqaalaheedu tahay mid u taal dawladda dhexe iyo ta Hoose ee Hargeisa ayna ahayna wax Dawladi la soo cabato  madaama dadka degaanka ay u yaalaan qabyoon jidad ay iskood u wadaan.

Waxaa la filaaba waa kulanka danbe iyo wixii ka soo baxa haddii Guddiga Bilicda Caasimadu garwaaqsado codsiga kulanka wax garadka Koonfurta Hargeisa iyo gudida SAHAN BARWAAQO.

Mohamoud Arrale

LONDON

wadada madaarka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here