Hargeysa:(Hubaal)-Maayarka degmada Laascaanood, ayaa lagu eedeeyey inuu si iskii ah hoolalka dawladda Hoose ee degmadaas ugu xidhay maayarka Laascaanood Md. Cismaan Saleebaan Jaamac, waxana xarunta dawladda Hoose maaalintii shalay ka dhacay gacan-ka-hadal u dhexeeyey ilaalada maayarka iyo weliba xildhibaan Fihiima Yuusuf Cabdilaahi oo iyadu u olelaynaysay in deeqdaas raashinka ah loo qaybiyo dadka danyarta ah ee horeba loogu soo diray.
Maayarka degmada Laascaanood, ayaa isagu ka dhego adaygay inuu raashinkaas qaybiyo, waxana uu dadweyne dayar ahaa oo xarunta dawladda hoose kusoo ururay ku kala dareeriyey rasaas nool nool, iyada oo dadkii halkaas gaadhayna iyaga oo aan wax raashin ah qaadan laga dareeriyey.
Xildhibaanad Fihiima Yuusuf oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Laascaanood, ayey gacanta isula tageen ilaalada Maayarka Laascaanood, waxana ciidamadu si xoog ah ku xidheen hoolalkii raashinkaasi yaallay.
Xildhibaanad Fihiima oo warbaahinta la hadashay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay dhaqanka maayarka, waxana ay hoosta ka xarriiqday in raashinkaas ujeeddo kale laga leeyahay, isla-markaana aan diyaar loo ahayn sidii dadkii loosoo dhiibay loogu qaybin lahaa, “maayarka waxanu ka rabnay inuu guddi saara dadka danyarta ah u guurgala, midna muu samayne xildhibaanno guddi ah buu iska magacowday oo uu ku yidhi nin walowba toban qoyskaaga ah soo qoro, waxana aan uga xumahay in xildhibaanadii reer Laascaanood doorteen mid walba ay legedday toban qof oo qoyskooda ahi”ayey tidhi xildhibaan Fihiima.
Raashinka la gaadhsiiyey degmada Laascaanood ee xilligan muranku ka taagan yahay, ayaa waxa ku deeqay maayarrada magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo weliba Berbera, waxana loogu talo galay dadka abaartu taabatay eek u nool magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.
Maayarka Laascaanood, ayaan isagu weli wax jawaab ah ka bixinin eedaha loo jeediyey iyo weliba sababta keentay inuu raashinkaas kusii haysto hangarrada dawladda Hoose, waxase la filayaa inuu ilaa maanta arrintaas sababayn doono.