Wajaale (Hubaal)- mayarka degmada wajaale adan shiine ayaa si badheedh ah u hor istaagay wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare cabdilahi ibrahin habane.
Wareegtadan ayaa ahayd xil ka qaadis uu wasiirku uu ku sameeyay gudomiyaha waxbarashada ee degmada wajaale dhuux cali cigaal uuna ku badalay masuul kale oo magaciisa la yidhaahdo adan sh abubakar xuseen.
Mayar wajaale adan shiine ayaa amar ku bixiyay in aan wax xil wareejin ah aan loo samayn Karin masuulka cusub ee uu wasiirku uu soo magacaabay xilkana aan laga qaadi Karin masuulka hore ee xilka Sii hayay, mayarka ayaa lamaha amaanka ee wajaale faray in aan la qaban Karin wax xil wareejin ah oo khusaysa wasaarada waxbarashada.
Gudoonka waxbarashada ee gobalka gabiley oo uu horkacayo gudoomiye cabdisamad sh ayaa si ay uga qayb galaan xilkana ugu soo wareejiyaan masuulka cusub u tagay wajaale, waxayna kala Kulmeen dhacdo ugub ah oo ceeb ku ah hanaanka maamul iyo ka dawladnimo dhacdadaas oo ahayd in Mayorkii wajaale adan shiine uu kala hor yimid diidmo iyo handadaas qayaxan oo aan meelna haysan oo uu ku diidayo xaflada ay xilka kula kala wareegi lahaayeen labada gudoomiye.
Waxaana ka mid ahaa hadaladii uu maayorku uu ku tiraabay “Meeshan (wajaale) anaa ka madaxweyne ah, ma aqaano wasiirka aad sheegaysaan mana qaban kartaan wax xil wareejin ah”
Si dhankiisa aan wax uga waydiino mayarka dhacdadan ayaa nasiib daro uu tilifoonkiisa gacanta uu naga qaban waayay maayarku.
Isku wada duub Mayarka wajaale ayaa si cad u buriyay wareegtada kasoo baxday wasaarada waxbarashada iyadoo sida la wariyay uu mayarku uu ka cadhooday xilka qaadista lagu sameeyay gudomiyihii hore oo ay isku jufo hoose yihiin.
Suxufi :- kamaal sh ismail aden
Emailka:- kamaalsheekh@gmail.com