Maayarkii Dhawaan Ay Golaha Deegaanka Saylac Doorteen iyo Xildhibaanno Wehelinayay Oo Xukuumaddu Xabsiga Dhigtay

0
60

Xildhibaannada Ayaa La Xidhay Kadib Markii Ay Dhicisawday Waan-waan Illaa Dorraad Socotay

MAAYIRKA-SAYLAC

Saylac (Hubaal ) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay  xabsiga ku gurtay ku dhawaad toban xildhibaan oo mudaharaad ay kaga cabanayeen xil wareejin loo diidanaa la hor fadhiyey xarunta golahaasi. Xadhiga xildhibaanadda ayaa ka dhashay kadib markii ay dhawaan doorteen maayar iyo ku-xigeen cusub, kaasoo ay xukuumadda dhexe markii hore ogolaatay, hase yeeshee natiijadii ka soo baxday diiday.

Wararka ka imanaya aagaasi ayaa sheegaya in shalay ay ciidamamda amnigu xabsiga u taxaabeen xildhibaannada kadib markii ay suurto galiweyday waanwaan illaadorraad lawaday.

Xildhibaanada la xidhxidhay waxaa kamid ah maayarka cusub ee ay golaha deegaanka Saylac dhawaan doorteen. Doorashada maayarka oo markii loo codaynayay ay goob joog u ahaayeen baadhasaabka gobolka Salal iyo badi saraakiisha laamaha dawladda ee gobolkaasi ayaa doorashadiisa ku tilmaamay inay ahayd mid waafaqsan shuruucda iyo xeer maamulka gobollada iyo degmooyinka ee dalka u degsan, kaasi oo xasaannada doorashada maayarka u xalaalaynaya xilkiisa, hase yeeshee markii shirka laga soo baxay ee xilka laga qaaday maayarkii hore ayaa wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay laashay doorashadiisa iyada oo ku tilmaantay mid qayrul sharci ah, sidoo kale maayarkii hore ee xilka laga qaaday oo isagu goobta doorashada aan fadhiyin ayaa wax yar ka dib markii la doortay ninka bedelaya waxaa shir uu warbaahinta ugu qabtay Saylac ku cambaareeyey fadhigii xilka lagaga qaaday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here