Maayarkii hore ee Boorama Oo Xil Ka Qaadistiisii Ku Xidhiidhiyey Xubno Ku Kellifay in Uu Baxdoobo

0
39

“Waxan Idiin Sheegayaa Warxumo-Tashiil  Xukuumadda Xilalka Sare Haya Inaan Halkooda Iskugu Tegi Doono”

 Borama:(Hubaal)-Maayarkii hore ee Magaalada Borama Saleebaan Xasan Xaddi oo dhawaan Golaha Degaanku ka qaadeen xilkii Maayarnimo, ayaa Markii ugu horaysay Ka Hadlay warar sheegaya inuu ku hawllan yahay sidii uu ugu tallaabi lahaa Dhinaca Jabhadda Duur-galeenka ee uu hoggaamiyo Suldaan Wabar. maayirka booramaGuddoomiye Saleebaan oo shalay ka Hadlay madashii uu xilka maayarnimo ku wareejinayey ayaa si cad u sheegay inaan looga baqi Karin wax somaliland hagardaamo ku ah,  “Aniga marnaba ha iga filina wax dalkayga iyo dadkayga caqabad ku ah, qaarbaa halkaas farta iigu fiiqayey oo lahaa ka cadhaysiiya ha tagee, waar anigu tan ayaan uga lexejeclo badanahay, halkaana uma socda ninka ii riixayow,” ayuu yidhi Saleebaan Xasan Xaddi.  Waxa uu daboolka ka qaaday inay rag xilal sare xukuumadda ka Hayaa jecel yihiin inuu Ka shaqeeyo dhibaataynta somaliland, waxana uu ku adkastay  inuu meel sare haatan siyaasadda uga sii gudbi doono, waxana uu yidhi,“waxana aan idiin sheegayaa niman badan oo warxumo-tashiil ah oo xukuumadda sare ku jira xilalka sare haya inaanu iskugu tegi doono. Bahashana waa la is cidhiidhsanayaa oo Maydhanaa isoo riixay anna kor baan u baxayaa.”  Munaasibadda Xilka lagaga wareenayey Maayarka hore ee Golaha Deegaanka Borama, ayaa waxa hadheeyey Daymo xad-dhaaf ah oo halkaas lagula wareegay, iyadoo sidoo kale ay jireen inaanay Shaqaalaha Dawladda Hoose muddo saddex bilood ah wax mushahar ah qaadanin.  Cadaadis muddo dheer soo socday oo ka dhashay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq lagu eedeeyey maayarka hore ayaa aakhirkii keenay in madal uu ka maqan yahay cod aqlabiyad ah xilka lagaga qaado maayarka hore, waxana Maayarka cusubi walaac ka muujiyey Daynta tiro-beelka ah ee uu  halkaas kula wareegay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here