Berbera (Hubaal):- Laba Weriye oo Kalsan TV iyo Somalinews TV uga warrama magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa shalay lagu xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska Berbera, ka dib markii uu Maayerka magaaladaasi Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) amar ku bixiyey xadhigga labadaas Weriye.
Weriyeyaasha la xidhay ayaa kala ah Wakiilka Berbera uga warrama Kalsan TV Axmed Siciid Maxamed iyo Cabdiraxmaan Cali Cige oo Berbera uga warrama TV-ga Somalinews, kuwaasoo uu Maayerku ku xidhay Baahinta ama siidaynta War ku saabsan weji-gabax Wefti ka socda Shirkadda Dubai Ports World ee lagu wareejinayo Maamulka Dekedda Berbera iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsani Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo uu isla Maayer Cidin u diyaariyey soo-dhawaynta iyo guul-wadaynta Weftigaas.
Hase-yeeshee, ay kala kulmeen wax aanu Maayerku ka filaynin iyo sidoo kale waxaanay Weftiga iyo Xukuumaddu ka filaynin Xildhibaananda uu Maayerku soodhawaynta Weftigaas u diyaariyey, ka dibna ula hadlay si cad oo geesinnimo leh, iyagoo soo dhawayn iyo mahad-celin ka dib su’aalo kala duwan oo jawaabohoodu dhagax ku noqdeen Weftiga Carbeed iyo Wasiirrada Xukuumadda ka socday ee Arrimaha dibedda iyo Madaxtooyada Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxay Weriyeyaashu sii daayeen Warbixinta ay ka sameeyeen imaatinka Weftiga DWPW ka socda, Booqashadooda qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera iyo weliba Kulanka dhex-maray iyaga iyo Xildhibaannada Golaha Deegaanka Berbera oo ay hab maqal iyo muuqaal ah u sii-daayeen iyagoon waxay ku dareen oo qalad ahi jirin ee sidii kulankaas weji-gabaxa ku noqday Xukuumadda iyo Weftiga Carbeed baahiyey.
Balse, sida ay xoguhu tibaaxeen Maayerka magaalada Berbera ee sii diyaariyey Xildhibaannada ka tirsan Golaha Deegaanka uu hoggaamiyo, markii laga daawaday sida wax u dhaceen TV-yada waxa la sheegay inuu Canaan kala kulmay Xukuumadda, gaar ahaan Madaxtooyada, ka dibna uu amray in la soo xidho labadaas Weriye oo sii daayey Warkaas sida uu u dhacay goob-joogga uu u ahaa, isla markaana sababtiisa uu isaga laftiisu lahaa Masuuliyaddeeda.
Labada Weriye ee Cabdiraxmaan Cige iyo Axmed Siciid, ayaa hadda ku xidhan Saldhigga Booliska magaalada Berbera, mana aha markii ugu horreysay ee sidan oo kale War sugan oo ay Baahiyeen lagu xidho, hase-yeeshee, marar kala duwan oo hore ayaa qaabkan tacaddiga iyo awood-sheegashada ah loogu xidhay Berbera, iyaga oo aan Xidhiggooda wax Sharci ah oo loo maray jirin.