Waxa Uu Ku Baaqay Dhismaha Madal Ay Ku Kulmaan Dhalinyarada Gobolkiisa Ee Ka Go’doonsan Dalka Intiisa Kale
Hargeysa (Hubaal)- duqa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo xubno kale oo kamid ah masuuliyiinta heer gobol ee Sanaag ayaa shalay booqasho ku tegey xarunta dhaqanka ee Hargeysa.
Weftigan uu hoggaaminayo maayerka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, isla markaasina ay xubno ka ahaayeen xubno kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee Ceerigaabo, ururka haweenka gobolka Sanaag iyo Masuuliyiin kale waxa ay booqashadoodan oo ahayd mid gaaban ku indho indheeyeen, qaabka ay u shaqeyso xarunta dhaqanka Hargeysa iyo qalabka dhexyaala.
Sidoo kale weftigu waxay u socdeen in ay ka qayb qaataan dhisme loo samaynayo dhalinyarada gobolka sanaag ee magaalada ceerigaabo halkaas oo la doonayo in loogu sameeyo xarun ay wax ku akhristaan sidoo kale ay dhalinyardu ku kulanto.
Maayarka magaalada Ceerigaabo oo ka hadlaya ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashadan xarunta dhaqanka ee Haregeysa.
“Aad baan u soo dhaweynaynaa in la helo goob ay dhalinyarada gobolku wax ku akhristaan sidoo kale ku kulmaan si looga hortago dib u dhacyada tirada badan ee gobolka ka jira ee ay ugu wayntahay qabyaalada iyo go’doonka uu gobolku kaga jiro dalka intiisa kale” ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur.
Sidoo kale xildhibaan ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegtay in ay baraarug wanaagsan tahay oo xiligiisii ku soo beegmay in dhalinyarada loo helo goob ay wax ku akhristaan si ay aqoontooda u dhisaan oo ay uuga qayb qaataan horumarka dalka.
Gabagabadii kulankaasina waxa goobta ka hadlay Xildhibaan Cartan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland,Siciid Jamac Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland iyo Caydaruus Maxamuud Sange oo ka mid ah dhallinyarada Gobolka Sanaag.