Berbera(Hubaal)-Maayarka degmada Berbera ayaa dhawaan shaqadii ka caydhiyey ku dhawaad 36 shaqaale ah oo muddo badan ka shaqeynayey dawlada hoose ee magaalo xeebeedda Berbera, sida ay sheegan qaar ka tirsan shaqaalaha laga eryay dawladda Hoose.
“Anigoo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose muddo 20 sanno ah ka shaqeynayay , waxa shaqadeydii l la igaga eryayayna aan garaynin, , Anigoo xaaslay balaadhan . markii aan u tagay Maayarka oo aan gaadhsiiyay cabshadeyda ku wajahan eriga waxa uu iigu jawaabay wax xuquuq ah oo aan kuu hayaa ma jirtee cirka soo guji. Marka ay arrintu sidaas tahay waxaannu codsanaynaa in dawladdu naga qabato oo haddii nala eryay xuquuqdayadii nalaga siiyo,”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Iidle oo u warramay shabakad la yidhaahdo Madheera News oo aanu warkan ka soo xiganay.
Mr.Maxamed Ibraahim waxa uu ku baaqay in Wasaaradda Daakhiligu wax ka qabto tallaabadan Maayarka Berbera ku kacay, waxaannu yidhi “Waxaan baaq u diraynaa in cabashadayada wax ka qabtaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dowlada Somaliland, waxaanan masuuliyiintaas u sheegaynaa in nala eryay wax xuquuq ahna aan nala siinin.Waxaan sidoo kale xildhibaanada Golaha Degaanka Berbera u soo jeedinayaa iyagana illayn waa xildhibaanadii aanu soo dooranaye inay wax ka qabtaan ninkan qaabka khaldan ku shaqaynaya.”
Sidoo kalena waxa iyaguna cambaareeyay sifaha loo eryay qaar ka mid ah shaqaalaha laga eryay dawladda hoose ee Berbera oo sheegay inay ka xun yihiin qaabka uu Maayarku shaqada uga saaray.
Geesta kalena, Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan oo aanu xalay isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto-gelin inaanu Telefoonka gacanta ku helno.
source:Dawan