Maayirka Iyo Golaha Deegaanka Caasimadda Maxaa La Gudboon?
W/Q: Liibaan Ismaaciil Buraale
Marka aynu eegno magaaladda hargeysa waa magaalo xawliga koritaankeedu uu ku socdo xawaare aad u sareeya sidaas oo ay tahay koriinkaasi wuxuu u baahan yahay qorshe iyo fikir badan oo barbar socda si aanay u kala dheerayn oo aanay cawaaqib xumo uga iman mustaqbalka dhaw.
Cimriga golaha deegaanka caasimada ee wakhtigan jooga mudadii loo igmaday iyada oo ay uga hadhsan yihiin wakhti yar haddana waxa saaran masuuliyad u baahan in ay iska saaran xil aad u culus iyo baraarug badan maadama uu wakhtigu gabogabo ka yahay.
Ma doonayo qoraalkan in wakhtigaas hore ee ay soo qaateen in aan dib u raaco qaloocii ku yimid iyo hoos u dhaca filashadii laga sugayay markii la doortay oo qoraalo hore ayaan ku darsay xaaladoodaas balse qormadan waxaan diirada ku saarayaa wakhtiga hadhay waxa la qaban karo anniga oo ka duulaya odhaahda dhaxal galka ah ee cimri tagay ceeb laguma sabootiyo iyo fursadaha ay haystaan ee wax lagu badali karo.

Inta badan golaha deegaanka caasimadu wuu ka dakhli badan yahay golayaasha deegaanka ee magaalooyinka kale sida oo kale wuu ka dakhli badan yahay golihii deegaanka ee ka horeeyay iyada oo taasi jirto waxa jirta fursad uu ka helay baanka adduunka taas oo qorshuhu yahay sidii qashinka magaalada loogu yarayn lahaa, dhanka kale waxa iyadduna u baahan in dhug badan loo yeesho oo ah fursad weyn dareenkii ay maayirka iyo golihiisa deegaanku ka heleen barmaamijkii qanci dadkaaga ee muuq baahiyaha ( HCTV) fududeeyay oo ay ka qiyaas qaadan karaan niyada bulshada ku dhaqan caasimadda.
Dhakhligaas iyo dareenadaas marka aynu isu gayno waydiintu waxay tahay maxaa la gudboon muddada uga hadhay xilkooda?
- Habka Maamulka:- Marka aad dhugato hanaanka maamul daadajinta waxa muuqata in dawlada hoose u baahan tahay dib u sixid balaadhan oo ka timaada gudaha ilaa heerka degmooyinka caasimadda taas oo wax badan ka tari karta shaqo gudashadooda inta ay joogaan iyo shaqo sii wanaagsanaanta kuwa ka dambeeya.
- Qashinka:- xashiishku waa waxyaabaha aan wali maaro la taaban karo loo helin haddii ay golahan deegaanka tahay iyo haddii ay kuwii hore ba tahay, sidaasi oo tahay waana bilic xumada waddanka iyo caasimaddu ba la ciir-ciirayaan. Haddaba maadaama oo dhaqaale arrintaas lagula tacaalayo ay golaha deegaanku ka heleen baanka adduunka waxa mihiim ah in la darso hanaanka la isu waafajinayo qashinka iyo dakhliga oo aanay lacagtaasi noqon biyo col dhaanshay, waxaana mudan in khashinka waddanka la qiimeeyo sida ay u kala sahlan yihiin loo dhugto. Tusaale ahaan qashinada ugu culus ee jira waa dhawr nooc, oo ah caagadaha iyo daasadaha kale duwan ee la isticmaalo, xashiishka ka dhasha qaadka iyo xaabadiisa.
Xashiishyadaas waxa loo xalin karaa laba nooc oo waxtar weyn yeesha hoosna u dhigi kara.
in dawlada hoose, dawlada dhexe iyo ganacsatadu iska kaashadaan warshad dib u farsamaysa caagadaha iyo wixii la hal maala taas wax badan ka tari karta
in qaadka ama jaadka bilic xumada iyo aafadda ku ah magaalada laga dhex saaro oo loo sameeyo suuq ka durugsan gudaha magaalada taas oo keensanaysa xashiishkiisa faraha badan hoos u dhaco, sida oo kale in makhaayadaha iyo meelaha kale ee lagu qayilo culays xoogan lagu saaro in shirkadaha qashinka guraa heegan u ahaadaan.
- Goobaha Gaadiidka:- gaadiidka dad weynaha ee u kala goosha xaafadaha magaaladu waxa ka dhex jirta dhib badan iyo culays badan oo haysta wadayaasha iyo dad weynaha , sidaas oo tahay waxay u baahan yihiin dib u eegis, goobaha ay ka rakaabsadaan maaha goobo ku haboon oo ay ka sii rakaabsan karayaan sida oo kale ma laha marka ay rakaabsadaan goobo ay istaagaan oo dadku ku dago ama ka soo raaco xaajadaasina waa arrin lagama maarmaan u ah dhismaha dadka iyo qorshaha caasimadaba………………
La soco Qaybaha Dambe
W/Q: Liibaan Ismaaciil Buraale
Email: Liibaanhanad79@gmail.com