Ninka dhalinyari intuu geed ka boodo, ayuu Talo ka boodaa
Waa maahmaah dadkeena waaweyn ee waalidka inoo ahi in badan inagu haasaawinayeen,inagu horjoogeen.taasi oo aan qabo darka leexsi.inaga oo u hayna qofka kasta oo weyn karaamo,sumcad iyo tixgalin,haddana waxay ahayd caqabad ina hor taagan,markasta iyo meel walba,arinka aynu is nidhaahno gala ee aynu waliba u leenahay Aqoonta iyo kartida ha ahaato mid siyaasadeed amaba midkala’e,waxa inaga hor taagnaa waayeel.marar badan ku tiraabi jiray “NInka Dhalinyari intuu Geed ka boodo ayuu Talo ka Boodaa” waxa iyaduna meesha aan ka maqnayn oo dabar inoo ahaa Qodobo Dastuuri ah ,kuwaasoo saamaxayn Ka qayb-galka arimaha aynu soo tibaaxnay ee ay kowda ka tahay siyaasadu
Illaahay fadligii Qodobkaa Dastuuriga ahi waa uu jabay markii baadhi taan badan la galay lana ogaaday ra’yi ururinna la sameeyay.waxaanan odhan karaa guushii da’yarta intii ay Somaliland jirtay waxay ahayd markii la dhimay da’dii lagu galayay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka lagana dhigay Shan iyo Labaatan.waxaanu Mahaddaa u haynaa cidii soo dhiraandhirisay iyo cidi hirgalisay labadaba
Haddaba Mayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada ka faa’iidaysatay guushaa aynu soo sheegnay kursigana ku heshay isaga iyo Maayiro kale oo Magaalooyinka Somaliland ka tirsan.
Waxaynu maalmahan maqlaynaa dhawaaqyo buuq iyo muran sida oo ka soo baxaya Golaha Deegaanka Hargeysa kaasi oo ka dhex oogan Maayirka iyo Xildhibaanadiisa. Kase hadli maayo anigu Arinkaa ka taagan Golaha dhexdiisa.laakiin waxaan doonayaa inaan inyar ka iftiimiyo Hogaaminta Maayirka Hargeysa
Saddexbaa Madaxtinimo kaa qaada,Gar Leexsan,Guddoon JIlicsan,Gacan gudhan illaa iyo maalintuu xilka qabtay waxay ku dhowdahay muddo dhan laba sano.wax meel mara oo la taaban karo aniga iyo inta ila midka ahi ka maanu arag oo aan ka ahayn waddooyin yaryar ee uu ku daadaadiyay jayga iyo waxoogaaga daamur ah kuwaasoo dad aan aqoontooda lahayni kabkabeen isla markaana foolxumeeyay laamiyaddii.markase laga tago waddooyinka Dadwaynuhu dhisteen ee uu Halka kiiloo Mitir furayo labada jeer.waxa intaa u dheer Maayirkeena Magaalada Hargeysa oo aad indhahaaga ku soo arki kartaa saacadihii shaqadu jirtay oonu kaba soo daahirayn ama’se hadduu yimaado cagta uun soo galinayo sidii qof Dadwaynaha ka mida oo soo bookhday Dawladda Hoose.waxa in badan halkaa ku caddibma Dadwaaweyn Kuwo xanuunsanaya iyo Maati uga baahnaa hawl amaba saxeex yar oo kaga xidhan gacanta Maayirka dadkaasi oo ah inta badan dadkii soo doortay.waxa kale oon la yaabay una qaadan waayay Miridhada kooban ee dadyowga qaarkii is yidhaahdaan u hela fursad,ee uu fadhiyo Xafiiskiisa badiba ka maqan yahay ,inta ay soo dhaafaan Xildhibaanadu dadka iyo Askartaba ay laag ku kiciyaan Xafiiska uu ku jiro ,taasi oo ina tusaysa Hogaan darrida iyo Guddoon jileeca Maayirkeena Hargeysa huwana Magacii Dhalinyarta Caasimada.tilmaamta aan wanaagsanayna ka bixinaaya Ubaxa soo baxayay iyo Iftiinka soo ifayay ee Mustaqbal Dhalintuu horseedka u ahaa
Haddii aan soo Gabagabeeyo Maqaalkaygan aan ku soo bandhigaayay Hogaaminta Maayirkeena Hargeysa.ugu horreyn waxaan kula talin lahaa inuu xilka Maayirnimo ee uu Caasimada u hayo iskaga dago inta aanu sii galin dhiidhi,nacayb loo qaado iyo waliba Magacii Dhalinta ee Caddaa inta aanu bar Madow noqon .waayo waxa hal-hays noqon doonta dhalinyarooy waa kaa SOltelco.siddeedabana Magaalada Hargeysi waa Caasimadii Dalka jamhuuriyada Somaliland waxayna u baahantahay Maayir Quwiya,Aqoon,Karti,iyo Garasho xeel-dheer leh.
Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”
Email:ugaas_48@hotmail.com
Tel:4073719