Gu’gii 1954kii ayaa bulshada reer Somaliland iyo ummada kilinka shanaad ku jireen baroordiiq iyo murugo. Degaankii ay sida xorta ah u wada joogeen ayaa Ingiriisku qalinka ugu duugay dawladii Itoobiya. Labadaa ummadood ayaa bogga taariikhda dhacdaa ku galiyey gu’gii weerka loo xidhay. Labadaa qoomiyadood waxaa kordhay dadaalkey ugu jireen soo dhicinta dhulkooga .Inkastoo Somaliland tahay maanta dal iskii u madax banaan, xidhiidh wanaagsan ayaa ka dhexeeya qoomiyada Soomaaliyeed ee kilinka shanad iyagoo xadka u dhaxeeya aan mudnaan badan siinin. Waa laba walaalo ah oo ku hawlgala “oodi ab ka dhaw” Dhinaca galbeed ee badweynta Pacific ayaa will dhalinyaro ahi isla gu’gaa bishii Oktoober dibada ula baxey baaskiilad uu lahaa.Wuxuu wiilkaa yari baaskiilada u kaxeystay rugta Kolombia. Ayaandaro ayaa wiilkaa yar ku habsatey ku reebtay murugo.Markuu soo baxey wiilkaa yari ayuu waayey baaskiiladii, garteyna in la xadey. Waxaa lagu wargaliyey in askari joogo dabaqa hoose(Basement) ee rugtaa. Dabaqaa hoose waxaa ku yaaley goob lagu ciyaaro feedhka, askariga halkaa joogayna wuxuu ahaa feedhyahan lagu magacaabo Joe Martin. Wuxuu wiilkaa yari u sheegay askarigaa inuu ka aargoosan doono kuwa qaatey baaskiiladiisii, aadna u balbalaadhiyey siduu ka yeeli doono oo keensan doonta inaan dib danbe loo taaban wuxuu leeyahay. Waxaad dareemaysaa inuu isku kalsoonida iyo hanjabaadba la koray, kuna dhashay.
Askarigii markii uu muddo kooban dhageystay hanjabaadii wiilkaa yar, ayuu ku yidhi si aad guushaa u gaadho ood uga rayso kuwa xadey baaskiiladaada kaaley aan baratid feedhkee. Eraygaa ayaa dhagaha wiilkaa yar ku reebay raad, raaligeliyeyna ujeedadii uu lahaa ee aheyd ka aargoosiga kuwa baaskiiladiisa xadey. Halkaasaanu ka bilaabey feedhka isagoo ah 12 jir.
Inuu haad habeen kaco,
Heehaabo heegada
Hafiyaan dabayluhu
Hiddihiisa mahee
Hadimada u baaqdee
Kala hadashay samadee
Hoygii ka saartaa
U horseeday halistee!
Maansada Hubsiimo ee abwaan Xasan Sh. Muumin (IHUN)
Wiilkaa yari waa Maxamed Cali Kalay oo barigaa loo yaqaaney magacii ay hooyadii iyo aabihi ugu wanqaleen Kasiyas Marcelas Kilay(Cassius Marcellus Clay). Lix todobaad ka dib ayuu Maxamed Cali ka bilaabey barashada feedhkaa rugtaa,waxaana tababare u noqday askarigii halkaa joogay ee Joe Martin.
Muddadii uu ku jiray dugsiga sare wuxuu hantiyey guulo badan,waxaanu helay milgo lagu maamuuso. Wuxuu Maxamed Cali muddadaa ku guuleystay lix hormood oo dugsiga sare ah iyo laba dalkoo dhan ah (six Kentucky Golden Gloves Championships and two nationals. ). Markii uu Maxamed Cali dhameeyey dugsiga sare wuxuu lahaa 100 guulood iyo 8 guuldaro oo tartanka feedhka ah.
1960kii ayuu Maxamed Cali ka helay bilado dhawr ah ciyaarihi Olympic-ka. Waxaanu guushiisii ugu horeysay ka badiyey askari la odhan jiray Tunney Hunsaker oo ka tirsanaa ciidamada bileyska gu’gii 1964kii bishii Oktoober. Gu’gii 1964kii ayuu ku biiray bulshada Islaamka (Nation of Islam), magaciisii ahaa Kasiyas Marcelas Kilay u badaley Maxamed Cali. Isla gu’gan ayaa loo caleemo saarey inuu ku guuleystay guushiisii ugu horeysay ee hogaanka feedhka aduunka(Heavy World champion). Waxaanu ka guuleystay Sonny Listen. Iska-hor-imaadkan waxaa lagu qabtey magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ee cariga Maraykanka. Wuxuu Maxamed Cali guuleystay doorkii todobaad oo daal badani ka muuqday Sonny Listen. Doorkii lixaad ayuu Maxamed Cali si xad dhaaf ah u hagayey guusha goobta. Sonny Listen wuxuu ahaa hormoodka aad loogu bogayey, waxaanu hormoodnimada ka qaatey Floyd Patterson oo doorkii ugu horeysay dhulka dhigay bishii Febraayo 25, 1962kii.
Waxaa la yaab laheyd in feedhyahanadii xilligaasi diideen inay la dagaalamaan Sonny Listen baqdin darteed. Tusaale ahaan Henry Cooper oo ahaa feedhyahan u dhashay dalka Ingiriiska ayaa laga hayaa “Haddii Maxamed Cali badiyo waan la dagaalami Maxamed Cali, lase dagaalami maayo Sonyy Lsiten”. Sidoo kale ayaa tababarihii Henry Cooper ee Jim Wicks laga hayaa inuu yidhi: “Xataa ma doonayno inaan wadada kua kulano Sonny oo soconaya”. Aduunka oo dhan ayaa aad u xiisaynayaye feedhkaa, guushana ka filayey inuu Sony helo. Dhawr qoraa oo ciyaaraha wax ka qora ayaa faaleeyey inuu tartanka feedhka guuldaro u soo hoyatey, kol haddaan la fileyn inay soo bixi doonto cid ka badisa Sonny Lsiten. Si kastaba ha loo hadal hayee guushii waxay raacdey Maxamed Cali.
Guushaa u soo hoyatey Maxamed Cali ayuu lix bilood ka dib ku gardaadiyey inuu la aqal galo Sonji Roi oo ay muddo bil ah aqoon isku lahaayeen. Guushan ka dhalatey rugta feedhka waxaa kaloo sheegid mudan in markani ay muuqatey sida uu Maxamed Cali u yahay nin mabda’ leh.
Walaakiisa ka weyn ayaa ku biiray ururkaa Islaamka, sidoo kale ayuu Maxamed Calina hoosahaan ugu jiray ururkaa. Soo qabanqaabiyhii(Heavy Boxing Promoter) feedhkaa Bill MacDonald ayaa u sheegay Maxamed Cali oo markan aan wali magaciisa badalin inuu feedhka joojinayo haddii aanu Maxamed Cali si cad u dhaleecayn ururkaa Islaamka, muujina inaanu ka tirsaneyn, Hase yeeshee Maxamed Cali ayaa si cad oo badheedh ah u diiday inuu yeelo codsigaa. Akhristoow feedhkani waa kii ugu horeeeyey ee uu isku muujin lahaa, lacag badan ayuu ku helayaa, magac iyo maamuusna wuu ku helayaa, hase yeeshee intaasoo dhan wuxuu ka doorbiday wuxuu aaminsanaa,waa diintiisa Islaamka. Waa dhacdo ku dayasho mudan, kuna soo noqnoqotay sooyaalkiisii noloshiisa in badan.
Sidaan aaminsanahayna
abkuu doono ha sheegtee
wuxuunbaa ehel ii ah
dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya
ee ina midayso ujeedo
waxaan laysku ogeyn
ninkii hoos ka unkaama
aftideyda ma haystoo
ansax maaha wixiisu
Maansadii Ergo ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” – IHUNMarkii
uu Maxamed Cali ku adkaytsay go’aankiisii diidmada ahaa ee uu Malcolm X-na(IHUN) sugay inuu meel fog ka daawan doono ciyaarta,muujina doonin xidhiidhka hoos ahaaneed ee ka dhexeeya isaga iyo Maxamed Cali, ayuu soo qabanqaabiyihii ogolaadey inuu dhaco tartankaa feedhku.
Ururkan Islaamka (Nation Of Islam) markaa waxaa hagayey Elijah Maxamed oo sheeganayey, fariinside(messenger) sidoo kalena ku hawlgalayey naceybka dadyowga midabka cad.Tani waxay keeni kareysay in dadku qaadacaan feedhkaba oon dhaqaale laga helin.
Gu’gii 1967kii ayaa laga xayuubiyey Maxamed Cali Kilay dhamaan biladihii uu gaadhey iyo guulihii uu tirsanayeyba, walibana loogu darey xadhig.
Qalinkii iyo quraarkii: Fu,aad Sheekh
Bahda golaha baraaruga Islaamka
Bahda Mareegta Farshaxan
www.Farshaxan.com iyo www. Farshaxan.org
-Tixraac: Mareegta : : Muhammad Ali – A Stolen Bicycle – Clay, Martin, Boxing, and Cassius – JRank
Articles http://sports.jrank.org/pages/91/Ali-Muhammad-Stolen-Bicycle.html#ixzz4Ag3CFQiz
Mareegta : http://www.softschools.com/timelines/muhammad_ali_timeline/66/
Mareegta: https://en.wikipedia.org/wiki/Muhammad_Ali_vs._Sonny_