Ku sinnaan 1972-kii ayay maansadani ifka u soo baxday, wakhtigaas oo loo dabbaal degayay qoritaankii farta Soomaaliga.
Maansadan waxa curiyay Alle ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Isaga oo ujeeddadii uu u curiyay ka hadlayana waxa uu yidhi: “Waa maanso soo baxday markii ‘Far Soomaaliga’ la qoray. Waxaan ku maamuusayey dhacdadaas taariikhiga ahayd ee muddada badan laga dhur-sugayey.”
Waxay tidhi Tanaad:
Caalinow, Ta’ iyo Woow,
Bal tixraac halkaan maro!
Tukayaasha duulaa
Warka waysu tebiyaan;
Waa af-tahan qudhaanjadu.
Geeluna tawaawaca
Kolka biyaha loo tubo
Ways tibaax yaqaannaa.
Tigaaddaad arkaysaa
Kaftan ay taqaannay
Hoos-ka-tuur u leedahay.
Taaha adhigu waa hadal
Urtu waysku tooydaa;
Toggagiyo dabayluhu
Tookh bay la reemaan.
Tinkir buu aboorkuba
Toos ugu xidhiidhaa;
Daruuruhu tub gaadhay
Heesaha u tiriyaan;
Dhulku wuu tiraabaa;
Tuska roobka dayruhu
Onkod buu ku taamaa.
Waxay hoga-tusaysaa,
Afku nolosha waw tiir
La’aantiisna tuur iyo
Tulux lagama waayeen,
Tayo may lahaateen
Dhaqan lama tallaaleen
Qaran lama tusmaysteen,
Nin kastaa ha tookhee,
Far baa lagu tanaadaa.
Haddii qalinka loo tudho
Wax-qoraalka laga tago,
Lama taabbaggeli karo.
Waaq iyo Tinniix iyo
Bal Tin-caaro weyddii,
Soo tiri ayaamaha,
Taariikhda raacdee!
Afkaygow, tabaaliyo
Maxaad taws ku nooleyd!
Maxaad belo u taagneyd!
Shisheeyuhu tab iyo xeel
Muxuu kugu tuntuunsaday,
Tisqaadkaaga dhaawacay!
Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaaho toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebayaa!
Maxaa erey tafiir-go’ay!
Maxaan maanso teeri ah,
Tacab ba’ay ka joogaa!
Sida ay u taxan tahay
Murtidaadu tabanaa
Teelteella badanaa!
Maxaa sheeko taabud ah
Tawraadi faallayn
Weli nebina soo tebin,
Kaa tasoobay oo lumay!
Ubadkaagu toos iyo
Maxay talada seegeen!
Maxaa taar mid soo diray
Ka kaleeto tuuroo,
Laba tulud wadaagtaa
Turjubaan u baahdeen!
Qoraalkaagu tacab iyo
Muxuu dhigay turxaannoo
Tartan ba’an aloosoo
Colba doc iska taageen!
Allaylehe tabtaan rabay
Haddaa lagu tixgeliyoo,
Tacluustii wadeecada
Caawaba ka togatee,
‘Taw wiif’ ka siiyoo,
Taltallaabso maantoo,
Murtidaadu waa toge!
Taageer hiddaha oo,
Sayidkii ku toosoo,
Taabsii xogtaadoo,
Ku tirow Balaayacas!
Soo toosi Haabiil!
Raage taranta gaadhsii!
U tukubi higgaaddoo,
Soddon tirada dhaafsii!
Toban shaqal ku geeraar!
Shibbannaha ku taakuli!
Hadal lama tasoobee,
Guddigii ku tiirshee
Kugu taxay xuruufaha,
Mahad iyo tahniyad sii!
Taalladay mutaysteen,
Ka dul-taag Cirjiidhyada!